Warar 

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlay musuq maasuqa

Raysul wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed (Khadar) ayaa magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedka 31-aad ee Midowga Afrika oo looga hadlayay la dagaalanka musuq maasuqa.

Mudane Mahdi Khadar ayaa halkasi kula kulmay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Maxamed iyo raysul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Shirkan waxaa aad loogu lafa guray arrimaha musuq maasuqa iyo sida ay dalalka gobolka isaga kaashan karan ciribtirka musuqa.

Soomaaliya ayaa weli lagu eedeeyaa in ay kaalmaha hore kaga jirto dalalka ugu musuqa badan caalamka,sida lagu sheegay warbixino ay soo saaren hey’addaha ka shaqeeya arrimaha musuqa.

Warar kale oo la xiriira