Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka Oo Ku Jira Fasax Saddex Bil Ah

Kalfadhigi saddexaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la xiray iyada oo goluhu uu shaqeeyay wax ka yar saddex bil oo buuxda. Kalfadhiga oo furmay 10kii bishii Maarso [2018] ayay ahayd in uu xirmo Talaadada soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10ka Luulyo, sida ku xusan xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo jideeyay in Kalfadhi walba uu furnaado afar bil oo buuxda.

Laakiin hab-dhowre kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sharmaarke Garaad Saleebaan ayaa u sheegay warbaahinta Kalfadhi in bisha Soon ay ku beegantay iyada oo lagu gudo jiro kalfadhiga saddexaas, taas oo keentay in xildhibaannada la fasaxo wixii ka dambeeyay 12-ka bisha Soon oo ku beegneyd 28-ka May.

“Kalfadhigii saddaxaad saddex bil baan si rasmi ah u shaqeynay, oo bisha soon iyo ciiddii baa bil fasax ah Goluhu galay, waxaana la isku soo laaban doonaa bisha Sibteembar” ayuu Xildhibaan Sharmaarke ku yiri wareysiga warbaahinta Kalfadhi.

Sidaasna waxa ay xildhibaannadu ku qaadanayaan saddex bilood oo fasax ah, Juun oo dheeraad ku ah iyo Luulyo iyo Agoosto oo ah bilaha sida sharciga ah uu Goluhu leeyahay fasaxa dastuuri ah.

Fasaxa ayaa imaanayaa iyada oo ay golahu uusan wada dhammaysan qorshaha kalfadhiga labaad, oo ay hareysay xiisado siyaasadeed oo sababay in kulamo ay  golaha ka baaqdaan, Kulamo kale oo dhowr ahna waxa ay Kalfadhigaan u qabsoomi waayeen kooram la’aan.

Xildhibaan Sharmaarke Garaad ayaa Kalfadhi u sheegay in is mooshinkii laga keenay guddoomiyihii hore iyo is qabqabsigii ka dhashay ay Golaha u keeneen in kalfadhiga saddexaad uusan si sax ah u shaqeynin.

Laakiin xildhibaanada qaar ayaa u sheegay Kalfadhi in qorshuhu yahay in Kalfadhiga afaraad uu furmo dhamaadka bishan Luulyo, waxaana ka mid ah Maxamed Cumar Dalxa “ waxaan ku jirnaa markeey ugu badato fasixii caadiga ahaa ee laba bil-laha ahaa, oo noogu eg 28-ka Luulyo, wixii ka dambeeya waa Goluhu howshiisa bilaabaa, waxaana jira hawla badan oo na horyaalla”

Kalfadhigii saddaxaad waxaa laga rabay xildhibaannada in ay kulmaan 48 kulan, waxa ayse kulmeen dhawr iyo toban kulan sida uu inoo sheegay Xildhibaan Sharmaarke Garaad Suleebaan.

Marka uu furmo kalfadhiga afaraad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad, waxaa horyaalla xeerar ay tahay in muhiimad ay siiyaan xildhibaannada Goluhu, kuwaas oo gaaraya ilaa 11 xeer, oo ay ka mid yihiin xeerka xaqsiinta ciidanka, dib u dajinta, argagaxisada, xeerka doorashooyinka 2020-ka, waxaana dhammaan xeerarkaas iyo kuwa kale ee soo kordhi doona kalfadhiga afaraad  la doonayaa in ay xildhibaannadu meel mariyaan inta u dhaxeeysa Sibteenbar ilaa Diseenbar 2018.

Warar kale oo la xiriira