Warar 

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo furaya kalfadhiga 5-aad ee Barlamaanka K/Galbeed

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka degay garoonka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay magaalada, ujeedka Guddoomiyaha Golaha shacabka uu u tagay Baydhabo ayaa ah inuu daah furo shirka wakiilladda dowlad goboleedka Koofur galbeed.

Guddoomiyaha Barlamaanka K/Galbeed  Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo la hadlay warbaahinta soo dhaweynta Guddoomiyaha kaddib ayaa s heegayin maalin weyn ay u tahay reer Baydhabo oo uu markii ugu horreysay safar ku tagay Gudoomiyaha Golaha shacabka oo degaan doorashadiisu tahay Koofur galbeed Soomaaliya waxana uu xusay in kalfadhiga 5-aad ee Barlamaanka Koofur Galbeed uu yahay mid muhiim ah.

Maalinta berrito ayaa la filayaa in si rasmi ah uu u furo Gudoomiye Mursal kalfadhiga mudanayasha Barlamaanka Koofur galbeed.

Inta magaalada uu joogo waxa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta maamulkaasi iyo xubnaha Barlamaanka si la iskula meel dhigo arrimo badan oo la xariira wada shaqeenta xildhibaannada dowlad goboleedka iyo midka federaalka.

 

Warar kale oo la xiriira