Baarlamaanka Warar 

Aqalka Sare oo galaya fasaxa kalfadhigii Saddexaad

Aqalka Sare ayaa galaya fasaxa kalfadhigii saddaxaad, iyadoo uu horyaallo hal sharci oo la xariira Musuqmaasuqa.

Kalfadhigii saddaxaad ee Aqalka Sare ayaa furmay 10 bishii Maarso 2018, waxaana uu xirmayaa 10 bishaan Luulyo sida uu sheegay xoghayaha guud ee Aqalka Sare Senator Cali Maxamed Jaamac.

Cabdi Kaafi Macalin Xasan oo ka mid ah habdhoowrayaasha Aqalka Sare oo warbaahinta Kalfadhi la hadlay ayaa sheegay in kalfadhigii saddaxaad uu jiray gaabis dhanka shaqada Aqalka Sare ah.

‘Kalfadhigii saddexaad Aqalka Sare waxaa ka jiray dhibaato amni, taas oo uu u xirnaa aqalku muddo, xildhibaannada ayaana ka cawday arrinta aminga waxaana jiray jid Aqalka laga dhisayay oo tuhunno Amni ay ka jireen, marka taas waxay ahayd sababta ugu weyn ee aqalkeennu u shaqeyn waayay’.

Waxa uu inoo Kalfadhi u sheegay Senator C/kaafi  in kalfadigii saddexaad  aysan AMISOM la shaqeyneyn Aqalka Sare, balse Kalfadhiga afaraad ay si toos ah amniga Golaha Aqalka Sare ay u suguni doonaan ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika.

Xildhibaanku waxa uu Kalfadhi u sheegay in ay jirtay wada shaqeyn la’aan ka dhex taagneed Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, balse ay rejeynayaan in guddoonkan cusub ay wada shaqeyn wanaagsan ay dhax marto.

Habdhawraha iyaa inoo sheegay iney ka doodeen kalfadhigii saddexaad xeerar dhawr ah oo ay ka mid yihiin xeerka isgaarsiinta, musuq maasuqa oo wali baaqi ku ah guddiga musuq maasuqa, xeerka Gobinimada. waxa uu sidoo kale sheegay in kalfadhiga afaraadna ay ka doodi doonaan xeerarka ay usoo gudbiyaan Golaha Shacabka ama Xukuumaddu, balse hadda aysan jirin xeerar u yaalla, marka laga reebo kan Musuq maasuqa.

 

 

 

Warar kale oo la xiriira