Aragti 

Dhinaca Sharciga & Burburinta Hantida Gaarka ah.

Waxaa ila habboonaatay in dhinaca sharciga laga fiiriyo amarka burburinta dhul lagu tilmaamay in sharci darro lagu bixiyay. Si loo ilaaliyo sharciga waa waajib dastuuri ah in masuul kastaa uu ilaaliyo sharciga, lagana hortago wixii sharci darro ah.

Fiiri dastuurka ku meelgaaraka ah, Qodobka 26-aad faqradiisa 1-aad iyo 2-aad ayaa sheegeeysa in magdhaw la siiyo, haddii dhinacyadu isku raacaan ama maxkamadu gu’aamiso.

Dhinaca kale, fiiri qodobka 43-aad, faqrada 3-aad, xarafka B  iyo [Civil code] dhulka aan beer la tacbo aheeyn- qodobbada :723 & 683 milkiyeeyn hanti) iyo qodobbada kale ee sharciga Soomaalida  iyo Diinta Islaamku waxa ay ka qabaan dhowridda hantida si gaar ah loo leeyahay.

Waxaa is weydiin mudan dhulka la amaray in la burburiyo muwaadinku dhulkaa ma iska dhistay – obosiiba miyaa? Mise waa dhul loo siiyay milkiyad ama isticmaalo muddo?.

Haddii uu obosiiba yahay , iyadoo la tixgalinaayo nidaamka naqashadda magaalada , bilicsamida , suuqeynta , biyo galinta ,caafimaadka iyo ammaanka , waxaa la amari karaa in la jabiyo dhismaha isla markaana waa in muwaadinka la siiyo dhul uu dego , taana wax xaq dastuuri ah.

Haddii muwaadinka dhulka uu dhistay uu masuul dowladeed oo sharci u lihi siiyay dokumentiga dhulka, muwaadinkuna sifadaas ku dhisatay deegaan ama ganacsi, dowladda hoose sharciyan awood uma laha in ay amarto in dhulkaa dhismahan la bur buriyo.

Balse dowladda dhexe iyo dowladda hoose waxay xaq u yeelanayaan in ay bixiyaan amar ka noqoshadda dhul heshiis isticmaal muddo lagu bixiyay, haddii ay dib ka soo caddaato, waa haddii markii hore sifo sharci darro ah lagu bixiyay dhulkaa.

Marka ay caddaato in sifo sharcidaro lagu bixiyay , waxaa dowladda dhexe la gudboon talabada sharci ah in ay qaado taa oo ah :

  1. ka noqoshada heshiiska lagu siiyay muwaadinka in uu dhulkaa isticmaalo.
  2. “Atadii” hore sharciyadeeda , lana cadeeyo in documentiga lagu bixiyay sharci darro.
  3. In tallaabo cad laga qaado masuulka bixiyay dhulka, laguna maxkamadeyo.
  4. In la qiimeeyo dhulka, faa’iidada uu leeyahay & dhibaatada dhaqaale, iyadaoo la fiirinayo :

a) Haddii dhismo bilicada magaalada u wanaagasan laga dhisay.

b) Haddii dhaqaale dowladda ka soo galeyso.

c) Haddii shaqaale ka shaqeeysanayaan faa’iidina ka helayaan .

d) Waana in la fiiriyo dhismahan dambe bilicda uu ku kordhiyay magaalada, iyo kan lagu badalayo muhimaddiisa.

Haddii sifooyinkaan laga helo waxaa dowladda dhexe laga doonayaa in ay u daneyso dakhliga dhaqaale ee ka imaanayo , lacagata lagu dhisay iyo shaqaalaha ka shaqeeynayo oo ay aheyd in dowladdu shaqa u abuurto.

Iyadoo la raacayo tilmaamaha hore waxaa dowladda dhexe ku waajib ah in ay cilad bixiso documentiga, cilad bixintaa oo noqonkarto, dhanka heshiiska lagu bixiyay dhulka , ka soo qaad waxaa lagu siiyay dhulka qiimo jaban , waqtiguna uu dheeryahay , Kirada raqiis tahay, iwm.

waxaa u furan dowlada dhexe in ay talaabada toos ah ay qaado ama dowlada hoose ku talo siiso.

1- in dib loo qiimeeyo heshiiska dhul bixinta, kadibna qiimeyntaa dambe la sharciyeeyo laguna saleeyo documenti bixinta dambe.

2- Haddii ay muuqato in dowladda Lacag yar looga kireeyay markii hore waxa ay dalban kartaa Farqiga lacagta ee ka maqan oo kaliya.

3- Markaana muwaadinkana waxaa u furan cabasho maxakamadda awooda u leh uu Abiil ka qaadanaayo go’aankaa, haddii uu ku qanci waayo go’aanada maxakamada waxaa u furan in uu qorto cabasho Madaxweyne.

Waxaa dowladda dhexe u furan in heshiis cusub la gasho muwaadinka iyadoo gobtaa ganacsi ay noqoneyso shirko taa oo ah hanti ay dowladda dhinac ka leedahay, dhinacana hantigaar oo muwaadin leeyahay.

Sharcigu ma qabo in la burburiyo dhul sharci ahaan hore loogu bixiyay oo hanti badani gashay. Sharciga waa in uu si siman wax uga wada qaban-karo kuwa falka sharci darrada ah sameeyay- waxaa dhulkaan si sharci daro ah ku bixiyay dowladda hoose ama dowladda dhexe :

  1. Masuulkii bixiyay waa in xabsiga la dhigo iyo intii kala shaqeyasay.
  2. Dowlad magaceeda ayaa muwaadinka lagu galiyay falkaan waa in dowladda ay ogolaato in ay a) Ka noqosho amarka bur burinta. b) Diyaariso in heshiis cusub lala galo muwaadinka. c) In ay Cudur daar Ka bixiso, gafka laga galay muwaadinka Hantidiisii la burburiyay ama loogu hanjabay.

Haddii ay dowladda hoose ku adkeysato amarka bixinta , dowladda dhaxena ku raacado , waxaa muwaadinka u furan in go’aanka amarka uu cabasho ka qaato, kana dacwoodo maxakmadda gobolaka oo awood qaanuun u leh galidda cabashada go’aannada maamul.

Haddii dowlada dhexe u aragto burburinta in ay dan guudu ku jirto, muwaadinka waxa uu xaq ugu yeelanayaa dowladda dhexe :

  1. in ay bixiso magdhaw , qiimaha dhulka lagu dhisay.
  2. in ay bixiso magdhow qimmha faa’iido uu heli lahaa, mudada u dhexeyso markii laga burburiyay ilaa uu ka dhisayo mid kale.
  3. Dhulkaa lala wareegayna dib looma siin karo ,shakhsi ama shirkad gaar loo leeyahay.

Gunaanad.

Muwaadiniinta soomaaliyeed iyo masuuliyiintuba waa in ay xasuustaan in sharciga lawada dhowro , laguna dhaqamo waxa lagu heshiiyay. Muwaadinku kuma xadgudbi karo dowladda hoose iyo midda dhaxe, iyaguna kuma xad gudbi karaan. Haddii dhinac uu sharciga dhowri waayo waxaa dheceysa in dhinicii kalena uu dhowri waayo.waana in burburintu ayna noqon mid dana siyaasadeed laga leeyahay oo muwaadinka iyo dowlada la isaga hor keenayo, ama gooba gaar ah loogu dan leeyahay, sharciguna waa ka sareeyaa dadka oo dhan.

 

W/Q:  Yahya Amir

Warar kale oo la xiriira