Warar 

Xukuumada Soomaaliya oo ansixisay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta

Fadhigii Golaha Wasiirrada ee xukuumada Soomaaliya oo uu shirgudoon ka ahaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Ansixiyay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta.

Siyaasadaan ayaa ah qorshaha Siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta oo lagula xisaabtamayo hey’adaha ka hawl gala Soomaaliya, laguna ogaanayo hawlaha ay qabtaan oo wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ay horay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada.

Arrimo kale oo la xiriira amaanka,siyaasadda iyo dhaqaalaha 2040 ayaa looga hadlay shirkii maanta.

Xeerkaan ayaa sugi doona in ay meel mariyaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka diirada lagu saaray Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada uga war bixiyay qorshaha soo nooleynta barnaamijka wacyi-gelinta qaranka, wuxuuna faah-faahiyay habka ugu haboon oo barnaamijkaas uu ku guulaysan karo, si Shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideestaan.

Tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dhaqaalaha dalka ee 20-ka sano ee soo socda iyo heerka la doonayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaro sannadka 2040-ka, sidoo kale tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada la dhameestiray iyo hal-beegyada la doonayo in lagu guuleesto kahor 2020-ka si loo fuliyo ballan-qaadyadii xukuummadda federaalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira