Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha G/Banaadir & Racfaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay Gudoomiyeyaasha maxkamadaha Racfaanka gobolka iyo midka gobolka Banaadir inta uusan u safrin dalka Biljimka halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Isbadalkaan uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kutimid kadib soojeedin uu sameeyay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Wareegtada magacaabista Madaxweynaha ayaa lagu magacabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed inuu noqdo gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir halka xilka looga qaaday  Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada racfaanka gobolka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi waxana xilka looga qaaday Saalax Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mas’uuliyiintaan cusub uu magacabay inay kasoo baxaan waajibka loo magacabay.

Talaabadaan uu qaaday Farmaajo waa mid qeyb ka ah balanqaadyadiisi xiligii uu ku jiray olalaha doorashada madaxtinimo midaa oo ku aadanayd in isbadal dhinaca garsoorka uu sameenayo.

Warar kale oo la xiriira