Baarlamaanka Warar 

Akhriso Taariikhda Xildhibaan Maxamuud Cali Magan

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan waxa uu ka mid yahay xildhibaannada baarlamaanka 10-aad, wuxuu ku dhashay dagmada Baardheere ee xarunta gobalka Gedo sanadkii 1956-dii.

Maamulka Jubbalanad ayaa laga soo doortay waana markii labaad ee uu ee noqdo xildhibaan. 17-kii Nofeembar 2017 ayaa markale lugu soo doortay magaalada Kismaayo.

Waxbarashada iyo takhasuska

Dugsiga hoose dhexe wuxuu ku qaatay iskuulka Rugta ee magaalada Kismaayo. Halka dugsiga sarana uu Muqdisho kaga baxay sanadkii 1972-dii isagoo ka qalin jabiyay Iskuul Sare Banaadir.

Sanadkii 1776-dii Kaddib hawlihii gurmadka qaranka wuxuu shaqo ka billaabay wasaaraddii arrimaha dibadda ee dalka isagoo ahaa shakhsiga nabad sugidda qaranka uga wakiilka ah wasaaradda arrimaha dibadda.

Sanadkii 1988-dii ayuu ka baxay jaamacadda Ottawa isagoo ka bartay cilmiga siyaasadda.

Sanadkii 1990-kii  Virginia State University ayuu ka qaatay shahaadada labaad ee jaamacadda (Master’s Degree) wuxuuna ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Xilalka iyo Shaqada

Sanadkii 1979-kii ayaa loo magacaabay qunsul ku xigeenka ahna xog-hayaha koowaad ee safaradda Soomaaliya ee magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.

1981-dii ayaa loo magacaabay xildhibaan Magan qunsulka guud ee safaaradda, xilkaas oo uu hayay ilaa 1983-dii.

Bartamaha sanadkii 1983-dii waxaa loo magacaabay safiir kuxigeen safaaradda Soomaaliya ee dalka Kanada.

Sanadkii 1989-kii waxaa loo wareejiyey safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka  isagoona ahaa qunsulka guud,  wuxuuna xilkaas hayey ilaa 1991-kii.

1991-kii  ilaa 1994-tii  wuxuu ahaa madaxa hay’adda Somali Relief Society oo koonfurta Soomaaliya ka shaqeyneysay.

Magan iyo siyaasadda

Xildhibaan Magan oo safaarado dhawr ah xilal kala duwan kasoo qabtay wuxuu Baarlamaanka Soomaaliya galay sanadkii 2012-ka , xilligaas oo uu kamid noqday Baarlamaankii Sagaalaad.

2013-kii waxa uu isku sharraxay xilka madaxtinimada Jubbaland, balse kuma guuleysan.

Waxa uu Kalfadhi u sheegay in uu siyaasadda usoo galay sidii uu uga faa’iideyn lahaa bulshada Soomaaliyeed khibaraddiisa la xariirta diblomaasiyadda iyo fahankiisa siyaasadda caalamka.

Warar kale oo la xiriira