Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo walaac ka muujiyay dagaal beeleedyada Gobolka Hiiraan

Iyadoo dhawaanahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka taagneed xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba beel oo magaalada wada daga ayaa xildhibaan Maxamed Khayre oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay labada beel in si deg deg ay u joojiyaan dirirta.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in madaxda maamulka Hirshabeelle ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dagaal beeledkaas.

Sidoo kale, xafiiska guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay kulamo ku leeyihiin madaxtooyada Hirshabeelle iyagoo ka arrisanaya sidii loo qaboojin lahaa colaadda Beledweyne.

Xiisadda labada beel ee Beledweyne ka taagan waxa ay salka ku heysaa xoolo la-kala dhacay, iyadoo markii dambana ay kala qafaasheen dad gaaraya ilaa 10-ruux, walina xal lagama gaarin.

 

Warar kale oo la xiriira