Baarlamaanka Warar 

Sanatar Bukhaari Oo Maktabad Dadweyne Ka Hirgaliyay Cadaado

Xafiiska adeegga dadweynaha ee guddoomiye ku xigeenka 1-aad Ee Aqalka Sare Sanatar Abshir Axmed Maxamed ( Bukhaari )  ayaa maktabad dadweyne ka hirgaliyay magaalado Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Cadaado oo ah deegaan doorashada Sanatar Bukhaari horay uma laheyn maktabad dadweyne oo bilaash, waana tii ugu horreysay.

“ Waxaa galabta guul inoogu soo dhamaaday xafladii daahfurka Maktabadda guud ee degmada Cadaado, waxaana rejeynaa in ay dhallinyarada reer Cadaado u noqoto madal ay ku kulmaan fikradahana isku dhaafsadaan “ ayuu Sanatar Bukhaari yiri.

Sanatar Bukhaari oo sidoo kale kugu jira booqashada deegaan doorashadiisa ayaa horay u booqday dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Maandeeq oo ay si bilaash ah wax uga bartaan dadka baracayaasha ah, waxaana sanad ka hor iskuulkaas hirgaliyay isla Sanatar Bukhaari.

Warar kale oo la xiriira