• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Aragti

Falaqeyn: Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Kalfadhi by Kalfadhi
August 14, 2018
in Aragti, Warar
Reading Time: 4 mins read
0
Falaqeyn: Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Waxaan ka mid ahay dadka ku farxay in la dhiso Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo qaban doonno shaqo maamulka Farmaajo sida uu hadda u jiro uusan qaban karin, nasiib darro heysata dhaqanka siyaasadda Soomaaliya awgeed. Waxaan ula jeedaa xildhibaanno danno lagu soo xulay, wasiiro aan xilalkooda xirfad ku helin, oo baarlamaankaas tababarta daran laga soo xulay.

Golahaas oo ka kooban khubaro dhaqaalyahanno, xisaabiyayaal, xeeldheerarayaal maamul ajnabi iyo muwaadinniinba isugu jira, haddii awood la siiyo, taladoodana la qaato, waxay keennayaan laba arrimood oo aad muhiim ugu ah dowladnimada Soomaaliya, labadaas arrimood oo dar-dar gelin doonna dhismaha tiirarka ugu horreeya ee dhaqaalaha dalka:

1- In ay dowladda siiyaan talooyin ku salaysan xisaab iyo odoros xaqiiq, kana madax bannaan siyaasad maalmeed, beeleed ama goboleed,
2- In hey’adaha caalamiga ah sida Bankiga Adduunka, IMF, dalalka deeqda bixiyana, iyo shacabka Soomaaliyeedba ay helaan gole soo celiya kalsoonidooda.

RW Xasan Cali Kheyre, oo malaha furitaanka golahaas ka jeediyay hadal aan dhihi karo waa kii ugu fiicnaa oo uu ku hadlay intuu xilka qabtay, wuxuuna yiri, “waxaan maanta isu keennay khubaro Soomaali iyo ajaaniba leh, oo aan rabno in ay nala taliyaan, sidoo kalena ay ceebteenna noo sheegaan”.

Wuxuu sheegay sida ay xannuunka u leedahay in talo uu siduu doonno u goyn karay, uu gacantiisa intuu ka saaray uu u dhiibay khubarada, kuwaas oo aan aqoon xildhibaano, qabiil, wasiir, madaxweyne iyo RW oo keliya yaqaano “number”, oo uu sheegay in ay dowladda ku qasban tahay in ay qaataan. Waan jecleystay markuu yiri, “maanta waxaan rabaa in aad iska ilowdaan Soomaaliyadii hore, waxaan rabnaa in uu dhaqaalaha Soomaaliya u shaqeeyo qaabka ay dunida u shaqayso”. Aad baan u jecleystay erey walba oo uu sheegay, dabcanna waa qof wax badan ka fahamsan, maaddaama uu MBA uu asagaba heysto.

Khubarada inta Soomaalida ah, qaar waa asxaabtayda, qaarna waa khubaro caan ah oo la yaqaanno. Warsame waa macallin jaamacad, Cali Ciise IMF buu muddo u shaqeeyay, hadda NGO HESPI la yiraahdo oo uu aasaasay buu madax ka yahay, Sakhawadin, waa howl wadeen maaliyadeed oo ka tirsan dowladda Minnesota, Maraykanka.

In dhaqaale shirkad ama hey’ad weyn sida IMF laga shaqeeyo, ama macallin jaamacadaha adduunka kuwa ugu sareeya sida University of Calgary wax sahlan ma aha, waa khubaro aad ugu xeeldheer dhaqaalaha, laakiin jihada lala talinayo maadaamma ay dowlad tahay, oo ka duweyn ka shaqaynta hey’ad ama jaamacad, waa in ay kala gartaan isna waafajiyaan dhaqaale guud (dowlad) iyo dhaqaale gaar (hey’ad, ama shirkad):

1: Si loo bixiyo talo dhaqaale gaar, waxa jaangooya in la qaato ama in la diido, waa su’aasha “maxaa faa’ido ah (profit) ah ee ugu jira milkiilaha dhaqaalaha gaarka ah (milkiilaha hey’adda ama shirkadda?”

2: Si loo bixiyo talo dhaqaale guud “Dowladnimo” waxaa muhiim ah in la fiiriyo:

– b- Taladu sharci ma tahay? Ma waafaqsan tahay xeerarka iyo dastuurka dalka?
– t- Danta guud iyo qasnadda dowladda wax ma ku soo kordhinaysaa?
– j- Milkiilayaasha dhaqaalaha gaar dan fog ma looga dhex abuuri karaa, waxyeeladoodana ma la yarayn karaa?

Halkaas waxaa ka muuqanaysa in la-taliyaha dhaqaalaha guud (dowladda) uusan wax walba oo faa’ido ku jirta uusan iska sammeyn karin sida la-taliyaha dhaqaalaha gaarka ah uu sammeyn karo.

Si walba oo uu qofka aqoon ugu leeyahay arrin, dowladnimo marka ay sheekada gaarto, khibrad dowladnimo waa muhiim. Waddamada ay dowladnimadooda dhisan tahay, shaqaalaha ayaa ka dhisa wasiir Professor-nimo keliya leh, oo aan dowladnimo ku shaqayn weli. Soomaaliya middaas ma laha, waa sababta keenta in qof sida Dr. Cabdiraxmaan Beyleh oo PhD ka heysta dhaqaalaha, uu qalad u galo.
Tusaale waxaa kuugu filan dhacdo weli qoyan. Wuxuu Dr. Beyleh sheegay in jaga Guddoomiyaha Bankiga Dhexe lagu xasiiyay wargeyska The Economist, taas oo la sheegay in ay ku baxday $26,000. Wuxuu Twitter iyo SNTV-ba ka sheegay in sida xayaysiintaba ku qoran uu xilkaasi soo dalban karo qof walba oo kartideeda iyo aqoonteeda leh oo ajnabi iyo muwaaddinba ay ku jiraan.

Dhaqaale ahaan waa sax in khabiir ajnabi uu qaban karo xilkaan. Tusaalaha ugu wannaagsan waa Mark Joseph Carney oo ah Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Ingiriiska. Dr. Carney oo ahaa Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Canada, oo Canada 2008-kii ka bedbaadiyay qalalaasihii dhaqaalee ee adduunka dhaawaca culus u geystay.
Laakiin sharciga UK wuxuu u fasaxayay in uu qaban karo xilkaas maaddaama xaaskiisa 13 sanno ay British tahay, xaqna u leeyahay jinsiyadda boqortooyada, keliya dagganaansho laga rabo, RW Cameron-na uu kula ballamay inuu muwaaddin noqon doonno.

In kastoo aan aniguba taageersanahay in markaan ajnabi khibrad leh loo dhiibo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, haddii hufnaan dhaqaale iyo khibrad loo janjeersado, laakiin maadaamma dowlad aan ka hadlayno, wax walba oo micno dhaqaale sammeynaya, waxaa ka horeeya waxa micno sharci sammeynaya.

Sida uu qabo xeerka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo laga heli karo bogga Bankiga Dhexe, guddoomiyaha iyo xubin walba oo ka mid guddiga maamulka waa in ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ka hor inta uusan Wasiir Beyle warkaasi sheegin, dowladnimo waxay qabtaa in sharcigaas wax laga beddelo, oo baarlamaanku meel mariyo, haddii kale hadalladiisa waa sharci darro. Ma ogi meel lagu beddelay sharcigaas.

Waa tallaabo soo dhoweyn muddan Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, laakiin su’aalaha taagan ayaa ah:

1- Ma talo dhaqaalo gaar, oo ay khibraddooda u badan tahay ayay bixin doonnaan sida tan Beyleh oo kale, mise talo dhaqaalo dowladnimo?
2- Haddii ay talo dowladnimo haleelaan, ma loo madax bannayn doonnaa, kaddibna ma la fulin doonnaa?

Dowladnimo asal waxaa u ah sharci.

Talo dhaqaale sharci ah keliya ayaa talo dhaqaale dowladeed ah, tan kale si walba oo ay faa’ido u leedahay waa musuq maasuq kale.

Soomaaliya waxaa dummiyay sharciga oo aan la ixtiraamin, sida uu sheegay RW Kheyre waa aragti wannaagsan: “maanta waxaan rabaa in aad iska ilowdaan Soomaaliyadii hore, waxaan rabnaa in uu dhaqaalaha Soomaaliya u shaqeeyo qaabka ay dunida u shaqayso”.

Ilowshaha Soomaaliyadii hore, wuxuu ka bilowdaa sharciga oo laga horumariyo wax walba.

W/Q: Xasan Aadan Hoosoow

Dhaqaale yahan; ahna la taliyaha dhaqaalaha ee wasasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Alberta- Canada.

Previous Post

Guddiga Joogtada Golahashacabka Iyo Masuuliyiin Ka W/Dastuurka Ka Tirsan Oo Kulan Qaatay

Next Post

Guddoomiye Afrax: AGA Weli Ma Eysan Helin Miisaaniyaddii Uu Baarlamaanku U Ansixiyay

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Guddoomiye Afrax: AGA Weli Ma Eysan Helin Miisaaniyaddii Uu Baarlamaanku U Ansixiyay

Guddoomiye Afrax: AGA Weli Ma Eysan Helin Miisaaniyaddii Uu Baarlamaanku U Ansixiyay

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com