Warar 

Guddiyada Dastuurka Iyo Kan Madaxa Bannaan Oo Cabasho Ka Keenay Fara Gelin Lagu Hayo Shaqadooda

Kulan saddex geesood ah , kana dhacay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaaleynta, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Dib u Eegista Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha saameynta ku leh Guddiga Xuduudaha iyo Faderaaaleynta ee quseeya shanta cutub ee ka mid ah dastuurka ee lasoo gabagabeeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay cidda awoodda u leh in ay wax ka beddelka ama qaabeynta dastuurka, waxa ayna sheegeen in guddiya badan oo arrimaha dastuurka qaabilsan laga sameeyay xafiisyada madaxda sare ee dowladda sida xafiiska madaxweynaha iyo kan Reysul-wasaare Khayre.

Maxamed Maxamuud Goodir oo xubin ka ah Guddiga Dib-u-eegeista Dastuurka Baarlamaanka. Oo warbaahinta la hadlay kaddib kulan ay saddex-da guddi yeesheen loona baahanyahay in guddiyada dastuurka loo xil saaray dastuurka shaqadooda lagu ixtiraamo.

Goodir waxa uu sheegay in Guddiga Xudduudaha iyo Federaaleynta ay kala tashadeen inta ka quseya shanta cutub ee hadda ay soo dhammeeyeen dib u eegista

Guddiga maxada bannaan ee Dastuurka ayaa horraan sheegay in fara gelin joogta ah lagu hayo shaqadooda, waxa ayna madaxda sare ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan.

Dastuurka ayaa la filayaa in uu qabyada ka baxo dhammaadka sanadkan 2018-ka sida ay Kalfadhi u sheegeen guddiga dib u eegista dastuurka iyo wasaaradda dastuur-kuba.

Warar kale oo la xiriira