Baarlamaanka Warar 

Guddiyada Dastuurka Oo Sheegay In Shan Cutub Oo Dastuurka Ka Mid Ah Ay Horgeyn Doonaan Guddiyada Joogta Ee Baarlamaanka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa guud ahaan so afjaray dib u eegista iyo qaabeynta shantii cutub ee ugu horreysay ee dastuurka.

Ma jirin kala duwanaasho badan u dhaxeeyay labada guddi oo horay bay wax badan uga soo wada shaqeeyeen, balse waxa ay labadii maalin ee lasoo dhaafay ka shaqeynayeen qaabeynta iyo kala hormarinta 54-ta qodob ee uu ka koobanyahay shanta cutub ee dib u eegista lagu sameeyay.

Wajiga xiga ayaana noqonaya in loo soo bandhigo guddiyada joogtada labada aqal sida uu Kalfadhi u sheegay Sanatar Xuseen Sheikh Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista dastuurka ee labada gole. Waxaana intaas xigi doona in Mogadihsu loogu yeero madasha dastuurka ee dowlad goboleed-yada si ay iyaguna uga talo dhiibtaan

Halkan ka dhageyso Wareysiga Sanatar Xuseen

Warar kale oo la xiriira