Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Afaraale: Koonfur Galbeed Waxay U Baahantahay Qof Fahmi Kara Cilladaha Ay Ka Dhaqaaqi La’dahay

Maxamed Xuseen Afaraale oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka lagana soo doorto maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay isaga oo ka hadlayay doorashada dhawaan ka qabsoomi doonto maamulkaas in loo baahanyahay in xildhibaannada Koonfur Galbeed ay doortaan qof samata bixin kara dadka reer Koonfur Galbeed kaasoo fahmi kara halka dhibtu ka taagantahay.

Waxa uu sheegay in qofka la dooran doono ay tahay in uu si wanaagsan u fahansanyahay cilladaha Koonfur Galbeed ay ka dhaqaaqi la’dahay ayna ugu horreyso amni xumada iyo abaaraha.

Muddadii uu Shariif Xasan Shiikh Aadan madaxweynaha ka ahaa Koonfur Galbeed ayuu sheegay in la sameeyay horumar, laakiin aan dhinaca aminga oo ah baahida koowaad ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed aan wax badan laga qaban.

 

Halkan ka dhageyso cilladaha wareysiga xildhibaanka

 

Xildhibaan Afaraale : Koonfur Galbeed Waxaa Ka Jira Dhibaatooyin Aan Muddo Sanado ah Waxba Laga Qaban

Warar kale oo la xiriira