Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Iska Casilay Xubinnimadii Baarlamaanka Iyo Guddiga Doorashada Oo Buuxin Doona Kuraasta Bannaan Ee Baarlamaanka

 C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ka mid ahaa xildhibaanadii daba-yaaqadii 2016 –kii lagu doortay magaalada Cadaado ayaa iska casilay xubinnimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Waxaa sidaas shaaciyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran iyadoo aan la sheegin sababta uu isku casilay.

Sidoo kale guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa sheegtay dhawaan billaabi doonaan soo buuxinta saddex kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka oo lagu dooranayo Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Guddoomiye Xaliimo Yareey oo warbahinta u sheegtay in ay qaban doonaan doorashada

Laba kursi oo ay kala banneeyen Allaha u raxmadee Khaliif Sheekh C/llaahi iyo taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu dooran doonaa magaalada Baydhabo, halka kursiga uu Gaafoow iska casilayna lagu dooran doono magaalada Dhuusamareeb.

Saddexda kuraas waxaa labo ka mid ah doorashadooda ay ka dhici doontaa magaalada Baydhabo waxaa ka mid ah kursiga uu banneeyay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Magaalooyinka Kismaayo, Jowhar iyo Dhuumsareeb ayaana horay loogu doortay kuraasta xildhibaanno bannaanaa.

 

Warar kale oo la xiriira