Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Fasaxa baarlamaanka: Sababta Xildhibaannadu Aysan dib ugu noqon deegaannada laga soo doortay

Xildhibaannada Goleyaasha Baarlamaanka Fadaraalka ah ee tobnaad ayaa ku jira fasaxoodii kalfadhiga saddexaad oo ay tahay inay kasoo noqdaan horraanta bisha soo socota ee Sibteembar. Laakiin xildhibaanada badidood weli dib uguma noqon dadka iyo deegaannada ay matelaan, iyaga oo fasaxyadooda ku qaatay Muqdisho, iyo magaalooyin kale oo shisheeya oo ay u tageen dalxiis ama booqashada qoysaskooda.

Xoghayaha guddiga isku-dhafka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee la-socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Sanatar Xuseen Maxamuud ayaa u sheegay Kalfadhi in dib ugu noqoshada xildhibaanka ee deegaanada laga soo doortay ay tahay xaq iyo waajib dastuuri ah oo lagama tagaan ah oo bulshadu ay ku leedahay xildhibaanka matala. “[Dib ugu noqoshada deegaan-doorashooyinka] waa hannaan loo maro sugidda iyo sixidda shaqada xukuumadda. Waa hawl muhiim u ah dowladnimada, laakiin waajib gudashadaas inta badan ma dhacdo,” ayuu u yiri Sanatar Xuseen.

Sanatar Xuseen Shiikh Maxamuud

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxa ay hadda ku jiraan fasaxoodii ugu dheeraa, maadaama kalfadhiga Golaha Shacabka uu soo xirmay bishii May, bil iyo maalmo kahor xilliga ay ahayd in uu rasmi ahaan u xirmo. Taas waxa ay xildhibaannada Golaha Shacabka siisay ugu yaraan saddex bil oo fasax xiriir ah, halka xubnaha Aqalka Sare ay ku jiraan fasax labo bil ah.

Shaqada iyo xilka ugu weyn ee saaran xildhibaannada waa matalaadda dadka soo doortay iyo deegaannadooda. Sida keli ah ee waajibkaas uu xildhibaanku ku gudan karo waa ka-warqab dhowr iyo oggaanshiyaha daruufaha dadka iyo deegaan-doorashooyinkooda. Sanatar Xuseen ayaa shaki ka muujiyay in xildhibaanku awood u yeelan karo in uu si rasmi ah oo dhab ah u matalo dadkiisa isaga oo aan booqan deegaannada laga soo doortay. “Dib ugu noqosho la’aanta deegaan-doorashooyinka waxa ay meesha ka saareysaa matalaaddii saxda ahayd ee shacabka, waxayna sii wiiqeysaa hawliha sharci-dejinta iyo la xisaabtanka xukumadda”.

Laakiin Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo laga soo  doortay deegaanka Goldogob ee gobolka Mudug waxa uu u cudur daarayaa xildhibaannada aan deegaanadooda dib ugu noqon. “Daruufo amni iyo xaaladaha siyaasadeed awgood, xildhibaanada qaar ma tagi karaan deegaan doorashadoodii,” ayuu yiri xildhibaan Warfaa. Waxa uu si gaar ah u xusay xildhibaannada laga soo doortay meelaha ay maamulaan Al-Shabaab iyo deegaannada Somaliland ee ay halistu kasoo gaari karto hadii xildhibaannadu tagaan.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo la hadlaya mudanyaasha Golaha Shacabka

Laakiin xildhibaanno badan oo laga soo doortay deegaano nabad ah oo ay dowladu maamusho ayaa dib ugu noqon dadka ay matelaan. Deegaannada Galmudug ayaa ka mid ah meelaha xildhibaanada ugu badan ee laga soo doortay aysan dib ugu noqon, sida uu Kalfadhi u sheegay Axmed Siigaale oo ka mid ah ergadii  doortay xildhibaannada.

“ Waa meel aysan Al-Shabaab maamulin badi, oo aysan xakumin cid diidan dowladda,” ayuu yiri Siigaale. Wuxuu Siigaale intaa ku daray:  “ Waxaan u baahannahay iney dib ugu noqdaan dadkii soo doortay iyo deegaankoodii, oo ay noo doodaan, dowladdana dhex geeyaan baahideenna.”

Weydiinta ah sababta xildhibaannadu dib ugu noqon deegaannada laga soo doortay waxa uu Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ku macneeyay “ eed u raadin baarlamaan ”. Waxa uu sheegay in daruufaha xubnaha baarlamaanku kala duwan yihiin, xildhibaanno dhowr ahna ay dib ugu noqdeen Koofur Galbeed, Puntland iyo Jubbalanad. “Madaxweynaha la doortay ayaan wada tagi karin dalka. Inaad Xildhibaan weydiiso ma tagtaa deegaan doorashadaadii waxay ka dhigan tahay inaad rabto inuu isqarxiyo, oo aad dhaafiso dadkiisa,” ayuu Dalxa ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta Kalfadhi.

Laakiin Sanatar Xuseen Maxamuud iyo Xildhibaan Sidiiq Warfaa waxa ay labaduba isla oggolaadeen in daruufo dhaqaale oo xildhibaannada haysta ay ka mid tahay sababaha xildhibaanada u diida dib ugu noqoshada deegaannadooda maadaama wakiilladu lahayn miisaaniyad u gaar ah safarradooda iyo inay mashaariic iyo adeegyo horumarineed ka fuliyaan deegaannadooda.

Kalfadhiga hadda fasaxiisa lagu jiro waxaa uu noqonayaa kii ugu waxtarka iyo shaqada yaraa baarlamaanka federaalka wixii ka dambeeyay xilliga ku-meel-gaarka. Golaha Shacabka ayaa kulmay 11 jeer oo keli ah. Dhamaadka bishii soon, xukuumada ayaa labada gole ee sharci dejinta u qeybisay “lacag aan la macneyn” oo ka dheeraad ah gunnooyinka iyo msuhaarka sharciga ah. Lacagta oo wadar ahaan gaareysa $1,645,000 [hal miyal lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo doolar] ayaa  xildhibaan walba laga siisay $5000 [Shan kun oo doolar].

Golaha Shacabka: 11 kulan, shan kun oo doolar iyo saddex bil oo fasax ah

Xildhibaan Sidiiq Warfaa waxa uu ku baaqay in si xildhibaannada laga soo doortay deegaannada nabadda ah iyo kuwa la tegi karo ay dib ugu noqdaan dadkooda in miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyo safarrada xildhibaannada iyo adeegyo ay ka fuliyaan deegaannada laga soo doortay. Sanatar Xuseen Maxamuud waxa uu ku daray in ahmiyad gaar ah la siiyo kobcinta garaadka iyo wacyiga siyaasiga ah ee bulshada si dadku ay awood ugu yeeshaan la xisaabtanka xubnaha baarlamaanka ku matala, xilliga doorashada, kahor iyo kaddib-ba.

Dib ugu noqoshada Deegaan doorashada; Xildhibaan Sadiiq Warfaa

Axmed Siigaale waxa uu ku dhiirragelinaya bulshooyinka xildhibaannadoodu aysan dib ugu soo noqon inay is abaabulaan si aysan dib ugu dooraan xildhibaanada iyo musharixiinta aan sida wanaagsan u matelin.  “Doorashada soo socota waxaan ku dooran doonaa xildhibaanka wuxuu ahaa, kuwa hadda xilka hayana waxay kusoo bixi doonaan waxa ay beertaan,” ayuu Siigaale u sheegay Kalfadhi.

 

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlaya faxasa xildhibaannada.

 

W/D: Nuur Cali Faarax, Muqdisho.

Warar kale oo la xiriira