Baarlamaanka Warar 

Xil. Swaqar Oo Ku Baaqay Inay Wada-Shaqeeyaan Baarlamaanka Iyo Xukuumadda

Xildhibaan Swaqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ah xubnaha baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Kalfadhi ayaa ku baaqay wadashaqeyn buuxda oo dhax marta golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay xildhibaanku in dib u dhac laga dhaxlayo haddii ay wada shaqeyn waayaan labada hay’adood ee sharci dejinta iyo fulinta.

Xil Swaqar Ibraahim Cabdalla

“  Baarlamaanka oo ka shaqeynaya sharciyadda iyo xukuumadda oo fulinaysa, waa inay yeeshaan xiriir fiican,” ayuu yiri xildhibaan Swaqar

Xildhibaanka oo ka jawaabaya su’aal ahayd sida uu u arko waxqabadkii baarlamaanka ee kalfadhigii 3aad, waxa uu intaa raaciyay in wadashaqeyn buuxda looga baaqsan karo dib u dhac iyo inaan la qaban shaqada uu baarlamaanka ku talagalo.

Xildhibaanka oo sii hadlaya waxa uu yiri “ In mucaaradnimo lagu mashquulo ma aha; mucaaradnimo aanan wax dhiseyn oo aanan macno laheyn haddii ay sidaasi noqoto dib u dhac ayaa imaanaya.”

Waxaa la aaminsan yahay in wakhti badan uu ku lumay isjiid-jiid siyaasadeed oo uu galay Golaha Shacabka intii uu socday kalfadhigii 3-aad ee xirmay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warar kale oo la xiriira