Baarlamaanka Dowladda Hoose Warar 

Golaha Deegaanka Garowe Oo Doortay Duqa Cusub Ee Caasimadda

Golaha Deegaanka Garowe ayaa maanta duq Cusub u doortay Mudane Axmed Saciid Muuse “Barre ” oo 9-Sano ka mid ahaa xildhibaannada Puntland, isaga oo helay 18 cod.

Musharraxii la tartamay oo ahaa mudane Axmed Abshir Jaamac “Bakuuke ” ayaa Isna helay 9 Cod .

Guddoomiye Ku Xigeenka degmada Garowe ayaa isna loo doortay mudane Maxamed Cali Maxamed “Xamari ” oo horay u ahaa Macallin Iskuul, sidoo kale 5-tii sano ee u danbaysay kujiray Golaha Deegaanka Garowe .

Guddoomiye ku xigeenka Garawe Xamari

Duda cusub ee Garowe Axmed Muuse Saciid “Barre ” waa ganacsade shirkada korontada ee Garowe ( NECSOM )  aas-aasay wuxuuna haystaa Darajada Master-ka, isagoo isagoo Jaamacadda Caalamiga ah Ee Kampala kaga qaadatay cilmiga maamulka guud sanadkii 2013-kii .

Duqa Garowe ayaa wajahaya shaqooyin culus Maadaama ay doorashadda Puntland soo dhawdahay Waxaana uu masuul ka yahay Xilliga doorashooyinka amniga caasimadda .

Golaha Deegaanka ayaa ka kooban 27 xubnood Waxaana sanadkaan dumar ah hal xubin, shalay ayaana golaha lagu dhaariyay magaalaada Garowe .

Muddada xil haynta ayaa ah Shan Sano Waxaana Golaha lasoo xulay kaddib markii Madaxweynaha Puntllnd Cabdiwali Maxamed Cali “ Gaas “ uu 5-tii Abriil 2018-kii  kala diray golihii hore ee deegaanka Garowe kuwaasi oo uu ku eedeeyay shaqo Xumo .

Warar kale oo la xiriira