Baarlamaanka Warar 

Xildhibaanno Ka Tirsan Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Eedeyn U Jeediyay Madaxweynaha Iyo Reysul Wasaaraha

Shir wadatashi ah oo qaar ka mid ah xildhibannada labada gole uga socday Muqdisho intii u dhaxeysay 25-kii ilaa 30-kii Agoosto ayaa laga soo saaray war murtiyeed.

Arrimaha siyaasadda, aminiga iyo caddaaladda ayeey sheegeen in si toos ah ay ugu fashilmeen madaxda sare ee dowladda.

Xildhibaannada ku shirsanaa  Muqdisho ayaa  ku eedeeyay xukuumadda hakinta wada-hadallada Soomaalilaan, ku xad gudubka hannaanka awood qeybsiga beelaha, eex iyo cadaalad darro.

Hannaanka loo maray magacaabista wasiirrada, magaacbista taliyayaasha, safaaradaha agaasimayayaasha joogtada iyo hay’adaha madaxa bannaan ayeey xildhibaannadu aad u dhaliileen.

Caburinta iyo caga jugleynta loo geysto siyaasayiinta ka aragtida duwan madaxeynaha iyo reysul wasaaraha ayeey sidioo kale sheegeen in ay tahay arrin aan marnaba la aqbali karin.

Baarlamaanka Soomaaliya ayeey ugu baaqeen in dib u eegis u ku sameeyo qaabka uu u socdo hoggaanka dalka si looga badbaado dhibaato siyaasadeed.

Halkan ka daawo xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo akhrinaya war saxaafadeed qaar ka mid ah xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka.

Warar kale oo la xiriira