Baarlamaanka Warar 

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Dastuurka Oo Dalbanaya In La Soo Dhammeytiro Xubnaha Guddigooda

Guddigan madaxa bannaan ee dib u eegistya dastuurka oo hadda ka kooban shan xubnood oo ay soo meel mariyeen baarlamaanku kuna salaysan hannaanka awood qeybsiga beelaha ayaa weli waxaa ka maqan lix xubnood oo ka imaan lahaa  maamul gobolleedyada.

Xildhibaan hore Muumino Shiikh Cumar oo ka mid ah guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ayaa sheegtay in lixdaas xubnood ay ka soo dhammaadeen dhinaca maamul gobolleedyada laakiin ay weli soo dhaafi la’yihiin golaha wasiirrada Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayey ugu baaqday in arrinkaas ay wax ka qabtaan.

Halkaan ka daawo muuqaalka Muumino Shiikh Cumar

Warar kale oo la xiriira