Warar 

Shirkii seddexaad ee Golaha Iskaashiga Maamul  Goboleedyada Oo Kismaayo Ka Furmaya

Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada oo ah isbahaysi ay ku midaysan yihiin madaxda maamul gobolleedyada dalka, ayaa la filayaa inay shirkooda manta ee Kismaayo diiradda ku saaraan qodobbo au ka mid noqon doonaaan xal u helidda khilaafka u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maaamul gobolleedka Jubbalaan iyo  doorashada guddoomiye cusub oo uu goluhu yeelan doona.

Sidoo kale waxyaabaha la filayo in shirka looga hadlo waxaa ka mid ah dhaqaale maamulka Galmudug ay sheegeen in ay ka xayirtay dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay markii uu Kismaayo tagay in arrimaha masiiriga ah ee quseeya ay ka wada hadli doonaan, isla markaana aad looga hadli doonio halka xaaladda dalka ay mareyso.

Kala soco Kalfadhi.com wixii kusoo kordha.

Warar kale oo la xiriira