Baarlamaanka Warar 

Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka oo kismaayo ku qabtay kulamo kala duwan

Guddiga dib u eegista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay wasiirrada dastuurka ee dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaana kulankoodu ujeedkiisu uu ahaa in wasiirradda dowlad goboleedyada loo sharraxo halka uu marayo dis u eegista dastuurka iyo in nuqullo ka mid ah shanta cutub ee dib u eegista lagu sameeyay loo gudbiyo maamul gobolleedyada dalka.

falaqeyn iyo dood dheer kaddib ayaa la isla gartay in maamul gobolleedyadu talooyin kooda ay ku soo kordhiyaan qabyo qoraalkan.

Sidoo kale xubno ka tirsan guddiga dastuurka ee baarlamaanka ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyagoona ka wada hadlay sida ugu habboon ee qaybada looga saari karo dastuurka.

Warar kale oo la xiriira