Aragti Baarlamaanka Warar 

Aftida Kalfadhi: Bulshadu kuma qanacsana xildhibaannada ku matala Dowladda federaalka ah

Codeyn ka socotay bogga Facebook-ga ee warbaahinta Kalfadhi muddo toddobaad ah lagu ogaanayay sida ay bulshadu ugu qanacsantahay xildhibaanka ku matala labada aqal ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo gaba-gabowday.

Codeynta waxaa si guud waxaa ka qeyb qaatay 1429 oo qof, Waxana natiijada soo baxday intii codeyntu socotay ay caddeyneysaa in 84 % aysan dadku ku qanacsaneyn xildhibaanka kursiga matalaadda ugu fadhiya

Dadka muujiyay in ay ku qanacsanyihiin matalaadda xildhibanka ayaa ahayd 16%.

Codeynta bogga Kalfadhi

Tira aad u yar oo ahayd 229 qof ayaa ku codeysay Haa, halka 1200 oo qofna ay ku codeeyeen Maya.

Inta badan dadka aratiyada ka bixinayay ayaa muujinayay sida ay uga xunyihiin matalaad la’aanta ku heysta labada gole.

Halkaan hoose ka akhriso warbixin aan kaga hadleyno fasaxa xildhibannada iyo inta ku laabatay deegaannadii laga soo doortay.

Fasaxa baarlamaanka: Sababta Xildhibaannadu Aysan dib ugu noqon deegaannada laga soo doortay

Warar kale oo la xiriira