Baarlamaanka Warar 

Idiris Dhaqtar: Kooxeysiga Ka Dhex Jira Baarlamaanka Wuxuu Wiiqayaa Awooddii La Xisaabta Ee Xildhibaannada

Xildhibaan Idiriis Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in marka uu furmo kalfadhiga afaraad maalinka Isniinta ah ee soo socota loo baahanyahay xildhibannada in ay mideeyaa fikirkooda isla markaana laga digtoonaado in kalfadhigaan soo socda uu la mid noqdo kii saddexaad.

Idiriis waxa uu aad uga digay kooxeysiga ka dhex jiray xildhibaannada, taas oo uu ku sheegay mid wiiqi karta awooddoodii la xisaabtanka fulinta.

Waxa uu sheegay in sidoo kale in xildhibaannada laga rabo in masuuliyad gaar ah ay iska saaraan doorashooyinka dhawaanahan ka qabsoomi doona maamul gobolleedyada dalka qaarkood, waxuuna sheegay in ay muhiim tahay In isbeddel uu ka dhaco maamul gobolleedyada dalka.

Halkan ka daawo hadalka xildhibaanka.

Warar kale oo la xiriira