Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka: Kulankii Ugu Horreyyay Ee Kalfadhiga Afaraad Oo Maanta Baaqday

Maalmaha Sabtiga, Isniinta iyo Arbacada waxa ay mudanayaasha Golaha Shacabka u tahay maalmo shaqo, waxaana maanta oo Arbaco ah ay ahayd in ay shaqeeyaan mudayaashu oo ay horyaallaan hawlo muhiim ah.
Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo 10-kii bishan uu madaxwaynaha Soomaaliya si rasmi ah ugu furey Kalfadhii 4-aad ayaa Talaadadii shalay iyo maanta oo Arbaco ah loo fasaxay dabaal degga sanadka cusub ee Hijriyada ee 1440, sida uu warbaahinta Kalfadhi u xaqiijiya qof ka mid ah xafiiska wafaafinta ee guddoomiyaha Goalha Shacabka. Sidoo kale waxaa iyana la fasaxay dhammaan shaqaalaha Goalah Shacabka.

Fasaxan ayaana ah mid ah, iyadoo maanta ay shaqeyaan dhammaan shaqaalaha kale ee dowladda iyo xafiisyada madaxduba.

Maalinimada berri ah oo taarikhdu ku beegan tahay 13-ka Sibteembar ayaa waxaa lagu ballansan yahay inay shir yeeshaan xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, iyadoo Sabtida lagu ballansayahay uu si rasmi ah u billaabmo fadhiyada xildhibaannada ee kalfadhiga afaraad.

Arrimaha Baarlamaanku Ay Muhiimadda Saari Doonaan Kalfadhiga Afaraad Ee Maanta Furmaya

 

 

Warar kale oo la xiriira