Baarlamaanka War-Saxaafadeedyo Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaank Galmudug oo sheegay in aysan jirin xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo Mooshin ka keenay

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in xildhibaannada ku shiray Dhuusamareeb ee mooshinka ka keenay aysan ku jirin Baarlamaanka Galmudug uusan heyn xitaa galkooda.

Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa tilmaamay dhanka kale  in Madaxwaynaha Galmudug uusan kala tashan masuliyiintiisa go’aanka xiriirka loogu jaray dowladda, uuna ahaa mid isaga u gaar ah.

Gudoomiye Cali Gacal oo la waydiiyay hadii madaxwayne Xaaf uu ka soo qaybgali waayo shirka madaxwayne Farmaajo uu isugu yeeray uu isaga iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ay ka qaybgalayaan ayaa ka gaabsaday.

Halkaan ka daawo guddoomiye Gacal oo arri nkaas ka hadlaya

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa hada si toos ah uga hadlaya Mooshinkii ay maanta ka gudbiyeen 89 Xildhibaan kuwaas oo ku eedeeyay Xil gudasho la’aan.

Posted by Kalfadhi on Tuesday, September 11, 2018

Warar kale oo la xiriira