Aragti Baarlamaanka Warar 

Aragti: Labada Aqal Ee Baarlamaanka Doob Qalanjadiisii Gabay

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran ilaalinta Dastuurka midnimada dalka la xisaabtanka xukuumadda ee federaalka iyo maamullada goballada dalka.

Waxaan dhageystay  madaxweyne Waare oo eedaynaya dawlada federaalka, kuna tilmaamay in ay ku fashilantay amniga iyo hoggaaminta dalka iyo in Xamar ay ka jirto khatar amni, waxaana u jiibinayey una sacab tumayey xildhibaanno ka tirsan Labada Aqak ee Fedaraalka.

Waxaan aqriyey laba qoraal oo kasoo baxday Aqalka sare; mid dib loogu dhigayay furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Aqalka Sare iyo mid lagu sheegay in Aqalka Sare dhex-dhexaadinayo khilaafka Federaalka iyo Goballada uuna baxayo safarro nabad-doon ah.

Waxaan is waydiiyey Su’aallo aan weli loo helin Jawaab:

  1. Fedaraalka uu madaxweyne Waare eedaynayo miyuusan aheen labada Aqal? Mise waa Madaxweynaha iyo R/wasaarah kaliya?.
  2. Mas’uuliyadda xildhibaannada Federaalka miyey ku koobantahay u sacab-tumidda madaxweyne gobal kaliya?
  3. Hadii M. Waare Xildhibaanada u sheegay in Xamar khatar ku tahay amnigooda isaguna uusan ku hoya karin meel aan Xamar aheen ma u jiibinayaan? Mise beenta ayey ka qabanayaan?
  4. Sida uu sheegay madaxweybe Waare haddii Fedaraalku fashilamay! Xildhibaannada Hirshabelle ee Fedaraalku ma fashilmeen? Mise Madaxweynaha iyo R/wasaaraha kaliya ayaa fashilmay?
  5. Haddii M. Waare Gobalkiisii ku Fashilmay! Kuna saan-tiranayo gobal kale! ma in runta loo sheegaa? Mise in loo sacbiyaa?
  6. Haddii uu jiro khillaaf iyo dhibaato u dhaxeysa Federaalka iyo Gobalada! Ma in deg deg loo furo kalfadhiga Aqalka Sare lagana doodo mushkiladda miyaa? Mise in dib loo dhigo oo khilaafku sii socdo miyaa? Mise timir laf ayaa ku jirta?.
  7. Mas’uuliyadda iyo Waajibaadka Aqalka Sare, hay’ad Dastuuri ah oo ku shaqeysa sharci iyo go’aanno Dawlad-nimo miyaa? Mise odayaal nabadoonno ah oo ku shaqeeya xeer-jajab, Madax-salaax iyo hoos u dhigid hay’badda Dawlad-nimada waaye?

Sida ku cad dastuurka iyo shuruucda dalka

Dhismaha, horumarinta iyo la xisaabtanka gobalada dalka waxaa dawladda federaalka wakiil uga ah wasaaradda arrimaha gudaha kaddibna golaha wasiirrada kaddibna waxaa la xisaabtami kara labada Aqal ee Fedaraalka. Laakiin ” Cadan miyaa laga heesaa, mise dadka ayaan qaldan”? Ma la gaaray xilligii laga gudbi lahaa Cali gar leh, Caydiid gar leh? Ma la gaaray xilligii laga gudbi lahaa in qof ama koox loo wada afduubnaado 30 sano kaddib.?

W/Q: Dr Maxamed Nuur Gacal

Wasiiru dowlihii hore ee arrimaha dibadda dowaldda Soomaaliya

Warar kale oo la xiriira