Warar 

Wasiirka caddaaladda: Sarreynta sharciga waa in ay qabataa madaxda sar sare ee dalka

Xasan Xuseen Xaaji wasiirka caddaaladda oo ka hadlayay munaasabad guddoomiyayaal maxkamadeed loogu dhaarinayay 14 degmo oo Muqdisho ah ayuu ka sheegay in sinnaanta sharciga iyo in qof walbaa uu sharcigu qabto ay taahy muhiimadda koowaad ee wasaaraddiisa.

Wasiir Xuseen waxa uu sheegay sidoo kale in ay dhisi doonaan xafiiska gardoonka oo ah xafiis dhammaan hay’adaha u fududeyn doona xafiiska garsoorka.

Waasiirka ayaa sheegay in isaga iyo dhammaan madaxda hay’adaha garsoorka ay ku dadaali doonaan sidii ay muwaadiniintu u heli lahaayeen garsoor caddaalad ah.

Halkaan ka daawo hadalka wasiirka

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in la hirgelinayo Golaha adeega garsoorka iyo Xafiis la dagaalama Musuqmaasuqa iyo Xafiis shacabku ay ku soo gudbiyaan dacwadaha loo qabo hay'adaha Dowlada.

Posted by Kalfadhi on Thursday, September 13, 2018

Warar kale oo la xiriira