Baarlamaanka Warar 

Wafdi Xaldoon Ah Kana Socda Aqalka Sare Oo Ku Wajahan Galmudug

Wafdi xaldoon ah kana socda Aqalka Sare ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka ambabaxaan Muqdisho iyagoona kusii jeeda deegaannada maamulka Galmudug.

Ujeedkooda ayaana ah in ay abuuraan xaalad isku soo dhawaansho oo dowaldda federaalka ah iyo maamulka Galmudug dhex marta. Waxaana hoggaamin doona guddiyaha guddiga dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale  Qaybdiid,  sidoo kale waxaa qayb ka ah sanatarrada kala ah Yuusf geelle Ugaas, Jawaahir Axmed Cilmi, Maxamed Amiin Shiik Cismaan, C/waaxid cilmi Goonjeex, Abuukar Axmed Xaashi iyo Saddex hawl wadeen Golaha Aqalka Sare ka mid ah.

Agaasimaha maamuuska Aqalka Sare ayaa warhaabinta Kalfdhi u sheegay in qorshuhu yahay in ay ku hormaraan Dhuusamareeb, kaddibn ay garabka kale kula kulmaan Cadaado. Waxaase uu sheegay in suuragal ay tahay in ay gaaraan magaalooyinka kale ee Galmudug sida Cabudwaaq.

Wafdi Xaldoon Ah Kana Socday Aqalka Sare Oo Gaaray Kismaayo

 

Warar kale oo la xiriira