Baarlamaanka Warar 

Aqalka Sare Oo Dadaallo Xal-doon Ah Ka Wada Dhuusamreeb

Wafdi ka socda Aqalka Sare ayaa ku sugan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa ayna kulammo kal duwan la qaateen ururrada bulshada rayidka, culimada iyo wax garadka deegaanka, iyagoona kala hadlayay xaaladda guud ee khilaafka jira.

Sidoo kale waxaa iyana bulshada rayidka ah fursad loo siiyay iney ka hadlaan baahiyaha gaarka ah ee ka jira deegaannada Galmudug.

Ka hor kulanka bulshaa rayidka, wafdigaan ayaa kulan la qaatay madaxweyanha Galmudug, madaxa xukuumadda iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka Galmudug. Kulankaas oo ay albaabbadu u xirnaayeen ayeey qaar ka mid ah xubnaha wafdigu u sheegeen warbaahinta Kalfadhi in madaxdii ay la kulmeen ay soo dhaweyeen waanwaanta ay wadaan, sidoo kalana ay soo dhaweynayaan in Aqalka Sare uu noqdo gacan cidda xallisa khilaafka hadda jira,

 

 

 

Warar kale oo la xiriira