Baarlamaanka Warar 

Cabdi Xaashi: Tiyaatarka Waa Astaan Qaran Magacana Lagama Baddeli Karo

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in haddii loo baahdo in magaca laga beddelo xarunta Golaha Murtida iyo Madadaallada ay tahay in sifo sharci ah lagu beddelo. Wuxuu tilmaamay magacaasi inaan la bedeli karin ilaa iyo inta sharciga loo soo marayo waxaana uu sheegay in Theater-ku uu yahay wakaalad sharci ku dhisan  isagoo ku taliyay inay sideeda u jirto inay wanaagsan tahay maadama ay tahay taariikh nool.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in hadda uu socdo dedaal dheer oo dib loogu dhisayo golaha Murtida iyo Madadaaldada, waxaana Cabdi Xaashi uu sheegay in dowlada Shiinaha ay arintaasi ka garab siinayso dowlada Soomaaliya .

wuxuu xusey haddii ay qubarrada dhismaha samaynaysa ay ku taliyaan in la duminayo guud ahaan Theater-ka ay tahay in lagu qaato soo jeedintooda iyadoo laga eegayo halista dambe ee ka imaan karta haddii keliya dayac tir lagu sameeyo.

Halkan ka daawo hadalka Cabdi Xaashi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in aan magaca Golaha Murtida iyo Madadaalada la iska bedeli karin

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in sharci oo keliya magaca looga bedeli karo Golaha Murtida iyo Madadaalada, waxaana sidoo kale uu ku taliyay in guud ahaan Tiyaatarka la dumiyo si dib u dhis fiican oo sal adag loogu sameeyo maadama buu yiri ay Dowlada Shiinahu sidaasi ku talisay.

Posted by Kalfadhi on Thursday, September 20, 2018

Warar kale oo la xiriira