Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka Oo Guddi U Saaray Falkii Lagu Gubay Marxuum Axmed Muqtaar Saalax

Golaha Shacabka oo isugu yimid xaruntooda  ayaa ka dooday dhibkii loo geysta Allaha u naxariistee Axmed Muqtaar Saalax oo maydkiisa lagu gubay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaqshiid.

Xildhibaannada qaar ayaa ka hadlayay doodda waxaana hadalladooda ka mid ahaa:

Xildhibaan Aamina Maxamed “ maanta oo qarnigii 21-aad la joogo in qof loo dilo qabiil sareyn waa arrin laga xumaado, ma jiro qabiil qabiil ka xoog badan dadkuna waa ay siman yihiin”

Xildhibaan Maxamed Nuur “ Innagoo Jareer Shambala ah ayaa dadkeenna jooga maraykanka loo ogolyahay inay guursadaaan gabdhaha cadaanka ah, kuweenii Soomaaliyeedna nalooma oggola oo waa la is gubayaa sidii dhacday “

Xildhibaan Maxamed Nuur “ Haddii xaalku yahay in la is dilaayo jareerta waxaan leeyahay inay iyaga isguursadaan gabdho qurxoon waa naga buuxaane “

Xildhibaan Maxamed Nuur “ Jareernimaddayda ayaaa nagula dulminayaa, nagula dilayaa, ereyga Jareer ma’ahan qabiilka ee waa tinta, Jileecna ma ahan qabiilka ee iyana waa tinta. War Soomaaliyey ka waantooba dhaqanka xun ”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa “  Sharci lagu kala hari karo haddaan la helin lagama guuleysan karo dhacdooyinkaan, waa in baarlamaanku uu arrintan sharci ka sameeyaa, sidoo kale hay’adda CID-da ay Hooyo u noqotaa hab baarista, caddaalad darrida waa dan keenta nabad la’aanta.”

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel “ Aroos qaran waa in loo sameeyaa wiilkii iyo gabadhii la isku diidey”

Ugu dambeyn guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo xiray doodda xad-gudubkii loo geystay marxuum dowlo, waxa uuna yiri “ Guddiga Adeega Bulshada, Cadaalada, Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga ayaan u dhiibnay falalka dhacay ee ka baxsan arrimaha bani’aadannimada, iyaga ayaana rabnaa inay ka soo hadlaan naguna soo warceliyaan.”

Intaas kaddib mudanyaasha Golaha Shacabka ayaa galay ka doodista xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo ay hadda ku guda jiraan.

 

 

Warar kale oo la xiriira