Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka Oo Maalinka Arbacada Ah U Ballamay Ka Doodista Xeer-Hoosaadkooda

Xildhibannada Golaha shacabka ee Baaralamanaka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen magaalada muqdisho, waxaa  ayna kulankooda  kaga hadleen  dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, taasi oo isugu jirtay dhowr dhacda oo argagax leh, haba ugu darnaatee dhacdadii lagu gubey  Axmed Mukhtaar Saalax .

Xildhibaannada kulanka ku sugnaa ayaa waxaa ay aad ugu doodeen falka loo geystay Axmed Mukhtaar, waxaa ayna ku tilmaameen mid ka baxsan diinta islaamka.

Golaha Shacabka Oo Guddi U Saaray Falkii Lagu Gubay Marxuum Axmed Muqtaar Saalax

intaas kaddib xildhibaannada oo u guda galay ka doodista Xeer-Hoosaadka ayaa waxaa isku qortay inay kanhadlaan mudanayaal gaaraya 18- Xildhibaan.

waxaana maanta hadashay 8 kamid ah . Doodan oo Aad u dheeraatay ayaa dhowr qodob oo Xeer- Hoosaadka ah lagu faaqidey waxaana markii dambe guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh uu talo ku soo jeediyay in inta hartay loo dhigayo hadal jeedontooda maalinta Arbacada ah.

 

Warar kale oo la xiriira