Baarlamaanka Warar 

Guddoonka Aqalka Sare Oo Guddoomay Xogihii Laga Soo Aruuriyay Maamul Gobolleedyada

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii guddi ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xal doon ah ay u kala amba baxeen magaalo madaxyada dowlad gobolleedyada dalka si ay warbixin uga keenaan tabashooyinka madaxdu ay qabaan.

Warbaahinta Kalfadhi xogta ay heshay waxa ay sheegaysaa in guddiyadii loo kala diray K/ Galbeed iyo Galmudug ay waqti hore oo toddobaadkaan ah ay wareejiyeen macluumadka ay soo uruuriyeen.

Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ee loo diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare dowr muhiim ah ka qaadanayo isku dhoweeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sidoo kale xogtii kala wareegay xubnihii loo diray Galmudug,kuwaasi oo uu guddoomiye u ahaa  Sanatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ,wuxuuna warbixn siiyay guddoonka Golaha Aqalka Sare kuna wareejiyay nuqulka xogta la soo uruuriyay.

Cabdi qeybdiid ayaa sheegay in laba nuqul ay warbixintooda ka sameeyen ayna ku wareejiyeen gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisi 1-aad.

Waxaa la filayaa in dhamaan xogaha maamul goboleedyada la keenay ay guddiga qabteen in lagu lafa guri doono fadhiga ugu horreeya ee Aqalka Sare ay yeelan doonaan.

 

Warar kale oo la xiriira