Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Cadbi Shire: Waa In Aroos Qaran Loo Sameeyaa Lammaanihii Dartood Loo Gubay Mukhtaar Axmed

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac “ Ciyaar Jecel ” oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in baarlamaanku uu qaraar kasoo saaro falalka ka hor imaanaya dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.

Isaga oo ka hadlayay dhibaatadii loo geystay marxuumkii lagu gubay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya laga rabo in ay xukuumadda kala hadlaan sidii ay meel u saari lahayd nolosha carruurtii uu ka tagay marxuum Mukhtaar Axmed Saalax.

Xidlhibaanku waxa uu soo jeediyay in aroos qaran loo sameeyo lammaanihii is caashaqay ee dartood loo gubay Mukhaar Dowlo.

Halkaan ka daawo muuqaalka xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaarjecel

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaarjecel ''Goluhu waa in uu qaraar ka qaataa arrimaha hayb sooca''

Posted by Kalfadhi on Monday, September 24, 2018

Warar kale oo la xiriira