Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka Oo Lix Iyo Toban Maalmood Ku Yeeshay Toddobo Kulan

Tobankii bishaan Sibteembar ayaa si rasmi ah loo furay kalfadhigii afaraad ee Golaha Shacabka, kulan uu hadal jeedin ka sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Soomaaliya.

Xanta, hadal heynta iyo utunta ugu weyn ee xildhibaannada Golaha Shacabku ay dareemayeen waxa ay ahayd in kalfadhigii saddexaad aysan wax shaqo ah oo la taaban karo u qaban shacabka ay matalaan.

https://www.kalfadhi.com/2018/07/20/golaha-shacabka-11-kulan-shan-kun-oo-doolar-iyo-saddex-bil-oo-fasax-ah/

15-kii bishaan ayeey yeesheen kulankoodii ugu horreeyay, waxaana lagu qeybiyay xeer-hoosaadka Golaha shacabka.

Golaha Shacabka Oo Maanta Yeelanaya Kulankoodii Koowaad Ee Kalfadhiga Afaraad

Waxaa xigay saddex kulan oo xiriir ahaa kuwaas oo kala dhacay 17kii ilaa 19-kii Sibteembar loogana hadlayay amniga dalka.

Golaha Shacabka Oo Soo Gabagabeeyay Dood Dheeraatay Oo Qaadatay Saddex Maalin

kulankoodii shanaad ayey guddiga xeer-hoosaadka ee Golaha Shacabku xildhibaannada ka hor akhiyeen xeer-hoosaadka Golaha Shacabka. Guddoonka ayaana xildhibaannada amray iney soo akhriyaan.

kulankii lixaad oo dhacay 24-kii bishaan ayey xildhibaannada Golaha Shacabku kaga hadleen laba ajande oo kala ah; dhibkii loo geystay marxuum Axmed Mukhaar Saalax oo lagu gubay Muqdisho iyo ka doodista xeer-hoosaadkii la qeybiyay kulankii koowaad. 18 mudane oo is qortayna waxaa hadlay kulankaas kaliya 8 mudane.

Golaha Shacabka Oo Guddi U Saaray Falkii Lagu Gubay Marxuum Axmed Muqtaar Saalax

maanta ayey ahayd in kulankooda toddobbaad ay kusii dhammeysitaan dooddii la xariirtay xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, balse kooramka oo aan buuxsamin dartiis ayuu u baaqday kulankoodii.

Kooramka ayaa ku furmayay 139 mudane, waxaana soo xaadiray 120 xildhibaan kaliya.

Warar kale oo la xiriira