Falanqeyn Warar 

Maxaa Hor Taagan Fullinta Amarrada G.Banaadir Ee Dhulka Danta Guud

Billowgii sanadkan 2018-ka war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada waxaa lagu sheegey in madaxweyne Farmaajo uu joojiyay iibinta, hibaynta, kireynta iyo bixinta dhulka danta guud ee Muqdisho.

War saxafadeedka ayaa lagu yiri “ Illaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan qodobka 43-aad ee dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.” Madaxweynaha ayaa intaa ku daray “ Hadii uu jiro muwaadin iibsaday ama kireystay dhul danta guud kaddib 8-dii Febraayo 2017 waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

Magaalada Muqdisho oo ah halka ugu badan oo ay ku yaalaan dhulka danta guud, waxay dhulkaa siyaabo kala duwan gacanta ugu galeen shaqsiyaad kala duwan sida; ganacsato, siyaasiyiin iyo kuwa kaloo badan. Kaddib bur burkii dalka ka dhacay, waxaana looga faa’ideystay siyaabo kala duwan.

Iyada oo laga duulaayo amarka madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, maamulka Gobolka Banaadir ayaa howlgal burburin ah ka fuliyey dhismayaal dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho. Bur burinta dhismaha dhulka danta guud oo kuwii ugu dambeeyay ay ka mid ahaayeen dhismo ganacsi aan shaqeyn oo laga sameeyay Ex- Baar Aargo, ka soo horjeedka hotel Naasa- hablood iyo sidoo kale Garoonkii kubbada cagta ee Jeenyo.

Waxaa sidoo kale jiray burburin lagu sameeyay dhismayaal dhowr ah oo kii ugu caansanaa uu ahaa barxada “ Biyaasa Liibaro”  oo ku dhow Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jab-jab, dhismaha oo ahaa mid wakhti badan qaatay ayaa waxaa lagu bur buray wada hadal wakhti qaatay.

Guddoomiye Eng. Yariisow oo goobjoog ahaa maalintaa ayaa digniin u diray dhammaan dadka degan dhulka danta guud sida jardiinooyinka iyo xarumaha dowladda si ay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamirtaa diidana laga bur burin doonno.

Haddaba:  xilligan ma habboon tahay in dowlada bur buriso dhul iyada oo aan weli la dhisin kuwii bur bursanaa, maamulka Gobolka Benaadir awood iyo sharci ay ku bur buriso ma u haysataa dhulka qandaraasyada hore lagu bixiyey sida Beerta Nabadda? Maxay tahay qorshaha u furan ee lagula macaamili karo heshiisyada dowladihii hore ay galleon, maxaase ka dhalan kara amarrada maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan dhulka danta guud ee horay loo bixiyay.

Dhinaca Sharciga & Burburinta Hantida Gaarka ah.

3-dii Luulyo 2018 duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka jardiinooyinka.

Gudoomiye Yarisow ayaa sheegay inay doonayaan in caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka dib loo dhiso. Sida sharciga “Privacy Act oo la soo saaray  1974-tii ” ku cad. Maamul waxa uu masuul ka yahay ilaalinta dhul dadwayne. Hasa ahaatee.

Cabdiraxmaan Faarax waa bare sare waxa uu cilmiga maamulka iyo maaliyadda ka dhigaa Jaamacadda Horseed ee Muqdisho. Waxa uu kalfadhi u sheegay caqabadaha hor taagaan hirgelinta amarrada ee maamulka gobolka Banaadir.

“ Caqabada ugu weyn ee maamulka gobolka Banaadir haysata ayaa ah awood yari ama tabar-darro. Maamulka gobolka weli xor uma ahan ciidanka ka howl gala magaalada Muqdisho taas baddalkeedna waxaa ka howl gala ciidan Federaal ah. ayuu yiri Cabdiraxmaan Faarax.

Cabdiraxmaan Faarax ayaa caqabada labbaad ku sheegay dadka degan dhulka maamulku codsaday in la baneeyo oo awood dhaqaale iyo siyaasadeed ku saameeya dowladda federaalka. Tusaale ahaan, xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa ka soo horjeeda dhaqan galinta amarka maamulka gobalka Banaadir

Arrinka saddexaad ee uu Cabdiraxmaan u sheegay Warbaahinta Kalfadhi ayaa ah in dadka dhulkaas degan aysan aqbali karin go’aanka labo sabab dartood;

Mida koobad: dhulkaan waxaa markii hore u oggalaaday maamulladii hore kaddibna dhulka waxa ay galiyeen dhaqaale badan. Arrinkaas oo jira haddana gobalka Banaadir ma balan qaadin magdhow maalkooda laga siinayo sidaas darteed ma aqbali karaan.

Arrinka labaad, dadka sida barakacayaasha oo meelaha qeybtood degan sida Beerta Nasashada ee ku taalla Isgoyska Sayidka kasoo horjeedka Aqalka Golaha Shacabka oo aan haysan deegaan kale oo ay dagaan maamulkuna uusan u samayn qorshe deegaan baddalasho.

Cabduqaldaair Macallin isna waa aqoonyahan bartay siyaasadda waxa uu Warbaahinta Kalfadhi u sheegay in dowladda aysan ka bixi karin heshiisyada ay galeen dowladihii ka horreeyay, sidaa darteedna ay kaliya dooneyso inay kordhiso lacagaha lagu kireeyay dhulka danta guud. Waxa uu intaa ku daray in Maamulka gobolka uu hada si dhoola-tus ah u bur buray dhismo ganacsi oo horay dadkii lahaa sababo kale u xireen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in amarrada maamulka Gobolka Banaadir aysan ahayn kuwa fuli kara xilliga “ Amarrada maamulka Gobolka Banaadir ma aha kuwa fuli kara xilligan, bur burintaa dhulka danta guud ee dhisan waxay saameyn ku yeelan karaa xiriirka dowladda la leedahay siyaasiyiin iyo ganacsato badan xilli an weli si rasmi ah loo bilaalin aruurinta tooska ah ee canshuurta dadweynaha.”

W/D: Axmed Maxamed Amiin
Kalfadhi Muqdisho.

Warar kale oo la xiriira