Aragti Warar 

Aragti: DOORASHADA QOF & COD EE 2020-ka

Konton Sano ka hor ayaa Soomaaliya ugu danbeysay doorasho qof iyo codkiis ah, xisbiyo siyaasadeed iyo tartan furan, waana sanadkii 1967-dii.

Dawladda Soomaaliya oo dib loo yagleelay sanadkii 2000, ayaa labaatan jirsaneysa 2020-ka, waxaana ugu weyn hawsha laga sugayo xaqiijinta doorasho qof iyo codkiisa ah, dhismaha xisbiyo ku tartama, ka guuridda doorasho dadban, 4.5 iyo oday dhaqameed.

Hadaba waxaa muuqda rejo lagu guuleysan karo 2020-ka  iyo cabsi lagu fashilmi karo.

Rejada lagu guulaysan karo;

  1. Dadka Soomaaliyeed oo ay ka muuqato bisayl siyaasadeed 60 sano kadib xorriyaddii dalka, markii ay soo mareen; doorasho iyo dimoqraadiyad, inqilaab iyo kali-talis, jabhado iyo gagaallo sokeeye, dawlad la’aan iyo fawda, ku meel-gaar iyo 4.5, Federaal iyo dawlad-goballeed, ciidamo shisheeye iyo faragelin shisheeye.
  2. Dawladii ugu horreysay ee ku dhawaaqda doorasho qof iyo cod ah, billawdana hawsha doorashada ka hor waqtigeeda 2 Sano.
  3. Dabeysha rabitaanka xisbiyada iyo doorashada oo aad u badan kaddib markii ay gaartay heer la isku qab-qabsado magacyadii xisbiyada 2 Sano ka hor, iyo codsiyadii diiwaangelinta oo sii maraya 50 meeyo.
  4. Madaxweynihii ugu horeeyey Taariikhda Siyaasada Somaaliya ee ka dega Xilka oo furtay Xizbi Mucaarad ah, rabana in uu ku guuleysto Doorasho Qof iyo Cod ah, kadib markii uu ku guul-dareystay in uu qabto xilligii uu Xilka hayey.
  5. Xuxuumadda Nabad iyo Nolol oo shalay billawday dhismaha xisbi matala xukuumadda.
  6. Baarlamaanka Federaalka oo laga rabo Kalfadhigaan in uu ku kala biiro axsaabta siyaasadeed, kana koro heerkii qabiilka iyo gobaleysiga ee lagu soo doortay.
  7. Beesha Caalamka oo ballan qaadday taageerada doorashada 2020-ka iyo dawladda federaalka oo u qoondeysay miisaaniyad gaar ah.
  8. Gudiga Doorashada Qaran oo diyaar u ah, lehna khibrad iyo waaya aragnimo 4 Sano ah.
  9. Saameynta dabeysha dimoqraadiyadda ee Isbeddelka Geeska Afrika oo ka billawday Ethiopia, gobalkuna soo wada dhaweeyey.

 

Cabsida laga qabo fashilka doorashada 2020-ka

  1. Dhaqanka siyaasiyiinta u bartay faa’iidada fursadaha qabiilka iyo musuqmaasuqa.
  2. Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada u bartay faa’iidada mooshinada iyo Isbeddelada xukuumadaha sanad kasta, oo aan laheen sabar ay ku sugaan 2 Sano.
  3. Odayaasha dhaqanka oo u bartay in ay soo qoraan xildhibaanada qaranka ilaa Carte 2000, kana heli jiray dhaqaale iyo awood.
  4. Madaxda goballada oo u bartay in ay soo qortaan xildhibaanno daacad u ah oo ay ku dabraan dawladda federaalka.
  5. Faragelin dawlado shisheeye oo u bartay faa’iidada dhibaatada Soomaaliya, una arka doorashada iyo horumarka Soomaaliya in ay khatar ku tahay danahooda.
  6. Arrinta Somaliland oo aan weli laga gaarin xal siyaasadeed, kuna yartahay 2 Sano.

Hadaba qodobbada rejada guusha oo ka badan kuwa Cabsida ayaa siin kara dadka Soomaaliyeed in ay ku dhiirradaan doorashada qof iyo cod 2020-ka, una beddelaan caqabadaha fursado gaarsiin kara himillada iyo hiigsiga.

W/Q: Dr Maxamed Nuur Gacal
Wasiir Dowlihii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

Warar kale oo la xiriira