Baarlamaanka Warar 

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka oo Muqdisho ku qabtay Kulan  ay kusoo bandhigayaan Manhajka Wacyi-Galinta Doorashooyinka dalka

Gudiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay kusoo bandhigayaan buugga cod bixiyaha doorahashada 2020-ka, iyo xog u uruurin ku aadan qaabka ugu haboon ee bulshada loogu gudbin karo wacyi galinta doorashaooyinka qaranka.

Kulankaaan oo socon doona muddo sadex maalmood ah ayey guddigu sheegeen in ay ka qeyb gali doonaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta si loogu guuleysto in bulshada la gaarsiiyo wacyi galinta doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka qarank Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo warbaahinta la hadashay markii uu soo gaban gaboobay kulankan qeybtiisa maanta ayaa sheegtay in ujeedka ay u qabteen ay tahay in bulshada laga dhaadhiciyo ka qeybgalka doorashooyinka dalka.

“Waxaan maanta halkaan isugu nimid inaan ku furno xog-aruurin, Xog-isweydaarsi, sixid iyo wax ku daris ku saabsan manhajka wacyi galinta doorashooyinka, qodobbada tiirarka u ah ee Dastuurka KMG ah ee dalka uu u ogolaanayo doorashooyinka waxaa kamid ah in wacyi galinta doorashada iyo cod bixiyaha uu guddigu diyaariyo, si taas loo gaaro marka waxaa qasab ah in la helo Manhaj”. Ayey  tiri Xaliimo Yareey.

Waxa ay intaa ku dartay ” labo bil ka hor ayaan la tashiyo la sameynay bulsha weynta masuuliyiin ka socotay dowlad gobolleedyada, ururrada bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ee dowr weyn ku leh doorashada dalka, waxaana la isla soo qaaday cutubyada ugu waa weyn ee uu ka koobnaan doono manhajka iyo hagaha laftiisaba, manhajka waxaa waaye habkii dadka wax loo bari lahaa, hagahana waxa uu yahay hannaankii uu raaci lahaa tababaraha.

” Markii la isku fahmay cutubyada uu ka koobnaan doono, guddiga doorashooyinka waxa uu qaatay saddex quburo ah oo waa weyn oo Soomaali ah, waxa ay soo saareen siyaasaddii wacyi galinta, manhajkii wacyi-gelinta iyo hagihii wacyi-galinta”

” Maanta marka waxaan ka billownay xisbiyada siyaasadda oo ah kuwa ku tartami doona doorashada, maxaa yeelay anna wacyi galinta aad ayey muhiim noogu tahay maxaa yeelay 50-sano dalkan waxaba laga dooran, lamana yaqaan, waligeedna manhaj looma sameyn.

Kulankana oo maanra ka furmay magaalada Muqdisho waxaa Maalinta koowaad ka qeybgalaya xisbiysada siyaasadda ee sida KMG ah uu u diwaan galiyey gudiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka, maalinta labaad waxaa ka qeybgalaya xubno isugu jira dhallinyarada iyo dadka baahiyha gaarka ah qaba.

Maalinta sadexaad ee ugu dambeysa shirkan waxaa ka qeygalaya odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku dhaqan caasimadda dalka.

 

 

 

 

 

Warar kale oo la xiriira