Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Dr Cilmi : Sababta aan u nahay dalka ugu musuq maasuqa badan adduunka waa in sharcigii hanti-dhawrka aan wali la ansixin

Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Soomaaliya ay u tahay dalka uu musuqmaasuqa badan adduunka in ay tahay in wali uusan madaxweynayaashii soo maray dalka iyo madaxweynaha hadda joogaba aysan saxiixin sharciga hanta-dhawrka.

Waxa uu sheegay in baarlamaankii sagaalaad ay laba jeer ansixiyeen sharcigaas, balse uu madaxweynihii xilligaas Xasan Shiikh uu kusoo celiyay.

Waxa uu hadalkaan ka sheegay xilli uu ka qayb qaadanayay dooddii Golaha Shacabka ee shalay dhacday taasoo ku saabsaneyd dib u eegista Sharciga hanti-dhawrka.

Halkaan ka daawo hadalka xildhibaanka

Warar kale oo la xiriira