Baarlamaanka Warar 

Wasiiru Dowlihii Yiri “Maayga Ma Fahmo” Oo Raalli Galin Bixiyay

Kulank hadda ka socda xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo ah kulankii 13-aad ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha ayaa waxaa kasoo qayb galay 156 mudane.

Mudanayaasha ayaa ka koodaya xisaab xirka ee dowladda ee miisaaniyaddii 2017, waxaana ugu horreyn kulanka furay guddoomiye Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan.

Waxaana ugu horreyn uu ka dalbaday wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahin in uu raalli galin ka bixiyo hadal uu kulankii hore ee Golaha Shacabka ka dhex sheegay.

Guddoomiye Mursal ayaana yiri  “ Shacabka soomaliyeed ee ku hadla Maayga waxay ka mid yihiin Shacabka aad wasiirka u tahay sidaa daraadeed waa inaad raalli gelin bixisaa wasiir”

Intaas kaddib wasiiru dowlaha aya soo istaagay wuxuu yiri “Hadalkii aan dhahay hadii si kale loo dhahay raali gelin ayaan bixinayaa xildhibaan fanax iyo saaxiibbadii kale ee sida kale ii fahmay”

Intaas kaddib xildhibaan Fanax oo ahaa xildhibaankii tabanayay in qalad laga galay aya sheegay inuu aqlabay cudur-daarkaas.

Warar kale oo la xiriira