Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Cabdixakiin Maalin: Buugga Xisaab Xirka 2017 Iyo Xogta Guddiga Maaliyadda Ay Hayaan Isma Waafaqsana

Isagoo ka qayb qaadanayay doodad kulankii 13-aad ee kalfadhiga afaraad ee Golaha Shacabka oo ku saabsanayd xisaab xirka sanadkii 2017 ayuu sheegay xildhibaan C/xakiin Macallin Axmed in ay iska hor imaanayaan warbixinta ay hayaan Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo xogta ku jirta buugga xisaab xirka ee wasaaradda maaliyaddu ay soo gudbisay.

Waxa uu sheegay in kulan ay la yeesheen wasiirka maaliyadda intii lagu guda jiray bishii Soon ay su’aalo ka weydiiyeen in sababta siddeed safaaradood aysan u helin qarashaadkii loo ansixiyay.

Waxa uu sheegay in wasiirku uu u sheegay in ay jirtay lacag yari iyo in markaas aan loo heyn wax lacag ah.

Xildhibaanka ayaana sheegay in buugga ay wasaarradu soo gudbisay ay ka muuqato in lacagata soo xarootay iyo inta la isticmaalay ay badantahay inta soo xarootay, halkaas ay ku jirto xog aan is waafaqsaneyn.

Halkaan ka daawo hadalka xildhibaanka

Warar kale oo la xiriira