Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Maxamuud: Xildhibaannada dhammaantood deyn baa lagu leeyahay

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaannada dhammaantood ay yihiin kuwa deymeysan, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayuu ka  sheegay fadhigii 13-aad ee Golaha Shacabka oo xildhibaannadu ay uga doodeen xisaab xirka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii 2017-kii.

Ergada soo dooratay Xildhibaan walba oo gaareysay ilaa 51-Ergay,  qarashaadkii ku baxay meelaha ay xildhibaannadu deganaayeen iyo ammaankooda ayuu sheegay in weli deyn ahaan loogu leeyahay xildhibaannada Golaha shacabka.

 

Halkaan ka daawo hadalka xildhibaanka

Warar kale oo la xiriira