Aragti Warar 

Aragti: Rejada Laga Qabo Qabsoomidda Shirka Garowe Oo Ay Isugu Imaan Doonaan Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada

Golaha Kismaayo oo ay ku bahoobeen 5 madaxweyne gobal, madaxna uu u yahay M. Gaas, sanad ka horna lagu dhisay Kismaayo ayaa shirarkoodii hore ku qabtay Kismaayo iyo Baydhabo kaliya, waxaana markii labaad baaqday shirkii ay ku ballameen Garoowe billawgii bishaan asbaabo culeys iyo caqabad ku noqon kara jiritaankooda mustaqbalka sida:

  1. Garoowe oo diidday in ay fuliso go’aankii Kismaayo kasoo baxay bil ka ka hor ee ahaa Joojinta wada shaqeynta Federaalka kadib markii lagu qabtay doorashadii xubin ka mid ah Barlamaanka Federaalka iyo shirkii guddiyada dib u eegista dastuurka.
  2. Markii uu ka baxay golaha Madaxweyne Waare oo ahaa Guddoomiye ku xigeen, ahaana musharraxa la wareegi lahaa guddoonka golaha shirka Garoowe, isaga oo ku tilmaamay shir danbe oo lagu qabto Garoowe in uu yahay Sharci darro.
  3. Kulammadii Nairobi oo natiija la’aan kusoo dhammaaday kaddib markii 4 madaxweyne gobal ay lasoo kulmeen safaaradaha shisheeye ee deggan Nairobi kana dalbadeen faragelin iyaga iyo Federaalka.
  4. Isbeddelkii Ethiopia oo saameen ku yeeshay madaxda goballada, safarradoodii Addis Ababa iyo ciidamada jooga Kismaayo iyo Baydhaba.
  5. Doorashada 4-ta Madaxweyne oo bilo yar kaliya ka dhimantahay sida: Sharif hal bil, Gaas 2 bil, Xaaf 7 bil, Madoobe 9 bil.
  6. Garoowe oo ku jirta olole doorasho iyo Musharaxiinta oo u arka shirka Golaha Kismaayo ee Garoowe in uu qeyb ka yahay ololaha ooorashada Gaas.
  7. Garoowe oo diiddan in ay wada noqoto hooyada federaalka iyo golaha Kismaayo.
  8. Baydhabo oo ka cabatay hadaladii Madaxweyne Gaas iyo wasiir Xayir, kuna faraxsaneyn tegidda M. Shariif ee Garoowe, wacadna ku martay haddii uu tago in ay ka jari doonto dhibcihiisa doorashada.
  9. Galmudug oo yeelatay 2 Madaxweyne, 2 Barlamaan, 2 Caasimad, 2 xukuumad shirkii Kismasyo kaddib, kuna wareersan halkii ay aadi laheed markii hal mar looga wada yeeray; Xamar, Kismaayo iyo Garoowe, markii ay iska daadisay nasiibkii ay ku heshay caanihii federaalka sida;

Madaxweynaha federaalka, raisalwasaaraha, wasiirka iyo wasiiru dawlaha arrimaha gudaha oo dhammaantood ah reer Galmudug, socdaalkii dhulka ee madaxweynaha, dhagaxdhiggii Dekeda Hobyo iyo caasimadaha Cadaado iyo Dhusamareeb iyo heshiiskii Ahlusunna, intaas kadib ayey ku dhacday: “Wax badso wax beel ayey leedahay”.

Hadaba lama filayo in uu qabsoomo Shirkii Garoowe, haddii uu qabsoomana lama filayo in uu noqdo mira dhal duruufaha ku hareeraysan Awgood.

W/Q: Dr Maxamed Nuur Gacal
Wasiir Dowlihii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira