Baarlamaanka Warar 

Kulantii Golaha Shacabka Ay Maanta Ku Ballansanaayeen Oo Baaqday

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku ballansanaa iney isugu yimaadaan xaruntooda Muqdisho, si ay u yeeshaan kulankoodii 14-aad ee kalfadhiga afaraad. Balse kulankaas ayaa baaqday kaddib markii xildhibaannadu ay heleen wargelin ah in uu maanta furmayo kalfadhiga afaraad Aqalka Sare oo 35 maalmood dib u dhacay , sidaas daraadeedna codsi kaga yimid dhanka guddoonka Aqalka Sare uu u baaqday kulankoodii.

Wargelinta xildhibaannadu ay heleen ayaa lagu sheegay sidoo kale in xildhiaankii rabaa uu tagi karo furitaanka kalfadhiga afaraad ee Aqalka Sare.

Tan iyo markii uu furmay Golaha Shacaka 10-kii bishii na dhaaftay ee Sibteember waxa ay yeehseen 13 kulan.

Waana maalinkii saddexaad oo Golaha Shacabka uu ka baaqdo kulan ay ku ballansanayeen maalmo shaqo.

 

Warar kale oo la xiriira