Baarlamaanka Warar 

Sida Ay Xildhibaannada Golaha Shacabku Uga Falceliyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dadka Naafada Ah Ee Soomaaliya

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka, Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa kala shaqeeneysa Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan Guddiga Golaha u qaabilsan xuquuqul insaanka, Hindise Sharciyeed ay 13-kii bishan ka hor aqrisay kulanka Golaha, si uu ugu oggolaado iney wasaaraddu soo dhisto hay’ad si gaara ugu doodda baahiyaha dadka naafada ah, danahoodana uga shaqeyso.

Wasiiradda ayaa u sheegtay Golaha Shacabka in ay hay’addaan xukumaddu u aragtay iney muhiimad weyn u leedahay dadka naafada ah. Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay in Wasaaraddu, iyada oo ka duuleysa xaqa dastuuriga ah ee ay naafadu leedahay, ay go’aansatay in ay hay’ad u gaar ah u sameyso naafada, si loo ilaaliyo xaqaas dastuuriga ah. “Miisaaniyadda hay’addaas waxay qeyb ka ahaan doontaa miisaaniyadda 2019-ka, oo waxaan kusoo lifaaqnay sharciga aan ku codsaneyno inuu Baarlamaanku noo ogolaado dhismaha hay’addaas” ayey wasiirad Deeqa ka hor tiri Golaha Shacabka  Soomaaliya.

Xildhibaanada qaar ee ka ra’yi dhiibtay arrintaas waxay soojeediyeen in uusan Goluhu siyaasadeyn kalsooni siinta sharcigan, balse Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in marka la eego qodobbada qaar ee ku qoran sharcigan mar hore la siyaasadeeyey hay’adda la rabo in ay u taagnaato ilaalinta naafada. “Sida ku qoran qodobka 10-aad ee sharciyadda la rabo inuu Golaha Shacabku ku ogolaado hay’addaan, waxa Guddoomiye Kuxigeenka Hay’adda soo magacaabaya Reysal Wasaaraha, Guddoomiyahana Madaxweynaha, waxaana sidaasdaraadeed ka muuqata iney siyaasadeysan tahay arrintaas. Hay’addaan dad qaba daruuf u gaar ah ayaa iska leh ee haloo madax-banaaneeyo in ay hogaankooda iyagu doortaan” ayuu yiri xildhibaan Cabdixakiin.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa fadhiga Golaha Shacabka ka hor sheegay in dadka naafada ah ay dadka Soomaaliya ka yihiin 20%, “ dastuurkuna ma wada qeexayo” ayuu yiri “dhammaan baahiyaha ay qabaan”. “ Cid u doodeysa ma jirto, hadduusan dadkaas goluhu u doodin ” ayuu yiri xildhibaan Dhuxulow. taageero uga dalbidda sharcigaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka waxaa ka mideysnaa xildhibaanada Golaha oo dhan, hase ahaatee midba dhinac ayuu ka eegayey.

Meelaha ay xildhibaanadu sida weyn ugu noqnoqdeen waxaa ka mid ahaa in sharciga la rabo inuu Goluhu ansixiyo aysan qeyb kasoo ahayn dadka naafada ah, ururrada ay leeyihiin ee xuquuqdooda u dooda iyo waaxaha naafada ee ay shirkadaha qaar ee ay naafadu ka shaqeyso leeyihiin.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku sheegay in ka hor inta aan la keenin dhisamaha hay’addaan ay ahayd in Golaha Shacabka loo keeno sharcigii ay ku shaqeyn lahayd hey’addaan. “Dadka naafada ah, sida adduunkaba ka jirta, waxay xuquuq ku leeyihiin jidadka, dhismayaasha, gaadiidka, waxbarashada iyo shaqaaleysiinta, umana qorna hay’addaan, marka, lama yaqaan waxa ay ka shaqeeneyso” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Waxyaabaha aadka looga dooday waxaa ka mid ahayd in dadka ay hay’addu u taagnaan doonto danahooda loogu yeeri doono “Naafo ama dadka qaba baahiyaha gaarka ah”.

Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka waxay ku doodeysaa in ay wadatashi fara badan kaddib ay u doorteen magaca hay’addaas in laga dhigo mid u doodeysa “Naafada”. “Markaan la tashanay dadkii ay quseysay arrinta hay’addaan, waxa ay dadku u kula qeybsameen in la qaato naafo ama dadka qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana ugu dambeyntii qaadannay dadka naafada ah, laakiin idinkaa wax ka bedel iyo ku darisba iska leh, oo aan idinkaga fadhinaa” ayey tiri wasiirad Deeqa.

Xildhibaannada qaar ayaa u soo jeediyey wasaaradda in ay wax ka beddesho siyaasadda shaqaaleysiinta hay’addaas oo sharciga hor yaal Golaha lagu soo dhex qoray.

Xildhibaannadu waxay soo bandhigeen dood u muuqatay in ay isku qilaafsan yihiin dadka ka shaqeynaya hay’addaas in ay ahaadaan naafo oo kaliya iyo in la barxo oo lagu dhex daro dad kale, oo aan naafo ahayn. Sidoo kale, saamiga haween-ka ka mid noqonaya shaqaalahaas ayaa doodda qeyb ka ahayd. Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyey in aysan sax ahayn in hoggaanka sare ee hay’addaas lagu soo daro dad aan naafo ahayn (3 naafo ah iyo 2 aan naafo ahayn ayaa  hadda ku qoran xeerka).

“Waxaan soojeedin lahaa in siyaasadda hay’addaan lagu daro qodob sharci ka dhigaya in xafiis kasta oo dowladeed laga helo ugu yaraan 2 qof oo ah shaqaalo naafo ah. Sidoo kale xilliga shaqaaleysiinta la siiyo fursad gaar ah dadka naafada ah, iyada oo ciddii ku xadgudubta sharcigaas la qorayo qodob dhigaya ciqaabta uu heli doono” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Xiddig.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa isaguna sheegay in dhaqanka ay dadku leeyihiin uu takoorayo naafada. “ Sida magacyada loogu yeero ee muujinaya naafanimadooda ayaa muujineysa takoorka ay dadku ku hayaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye. “Wax soosaarkooda ayey naafadu la maqan yihiin, marka; waa in sharciga hay’addaan ay ku jirtaa oo la tababaraa naafada si ay wax u soo saaraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa weydiiyey wasiiradda bal in ay ka hayso tirakoob sax ah dadka qaba ama la nool nafanimada, gaar ahaan in ay hayaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaana wasiiraddu ay sheegtay in ay arrintaas qeyb ka tahay hawsha ay rabaan in ay qabato hay’adda la sameynayo. “ In laga soo tirakoobo naafada dhammaan gobollada dalka, in shirwene qaran loo qabto naafada iyo sharciga hay’addaas waxay wasaaraddu u degsatay geeddi socod” ayey tiri wasiirad Deeqa.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa u sheegay Golaha iyo wasiirraddaba in aysan sax ahayn in naafo loo aqoonsado oo kaliya qof ay xubin ka maqan tahay. Waxa uu sheegay in qofka dhimirka la’ uu ka daran yahay kan dhaawaca muuqda qaba.

Waxa uu dhiirrogeliyey in ansixinta sharcigaan la dedejiyo, “ maadaama” buu yiri “ay dad badan baahi u qabaan”.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa duray sababta sharcigan loogu soo qoray in qofka naafada ah lagu qeexay inuu muddo dheer ahaa naafo ama aanu maamuli karin nolol maalmeedkiisa caadiga ah.

Xildhibaanku waxa uu yiri “ Oo qofku naafo maaha miyaa hadduu hadda waxyeeloobo ama uu maamulan karo noloshiisa, iyada oo ay xubin ka maqan tahay?”.

Xildhibaan Axmed Xaaji Taaw  ayaa soojeediyey in sharcigan uu ilaaliyo sharciyada kale, oo uusan ka hor imaan. “ Hanti Dhawr in loo sameeyo uma baahna hay’addaan, oo waxaa hay’adaha dowladda oo dhan ku filan Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka” ayuu yiri.

Xildhibaannada qaar ayaa muujiyey walaac ah in ay hay’addaan marka ay sharciyadda hesho kadib u shaqeyn weyso sidii la rabay, iyadoo laga tusaalo qaadanayo hay’ado ama guddiyo la mid ah oo inta uu Goluhu ansixiyey wax-qabad yeelan waayey.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in ay daba-geli doonaan hay’addaan, marka ay sharciyadda Baarlamaanka hesho.

Xildhibaan Ikraan Yuusuf ayaa ka dhawaajisay in uusan sharciga ku caddeyn doorka naafada ee golayaasha dowladda, “ waase sharcigii ugu horreeyey oo miisaaniyad wata, oo aan arko” ayey tiri xildhibaan Ikraan.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cali oo ugu dambeyn sharciga ka hadashay, ayaa sheegtay in sharciga loogu sameynayo hay’adda dadka naadafada ah uu kasoo dhammaaday wasaaradda, hadda wixii ka dambeeyana uu hor yaalo Baarlamaanka. “Aan sharcigaan eegno aqrsikiisa koowaad, labaad iyo saddexaadba, kadibna aan ansixinno” ayey tiri xildhibaan Sareedo Maxamed Cali. Iyadoo u jawaabeysa xildhibaanno diidanaa in si gaara qoondo loogu sameeyo haweenka hay’addaan ka shawqeyn doona ayey tiri “ arrinta layaabka leh waxaa waaye in marka haween la soo qaado aad cirka ku dhegeysaan. Ma aha in qodobka sinnaanta ee dastuurka iyo kan sharciga hay’addaan leysku xiro”.

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa soo xiray kulankaas oo ku furmay Kooram dhan 145 Xildhibaan, isagoo sheegay in ay xildhibaanadu u naxayaan dadkooda, “ sharcigaanna ma siyaasadeynayaan” ayuu yiri. “ Waa sharcigii ugu horreeyey ee aan arko in ay aqriskiisa koowaad ka hadlaan 21 xildhibaan, muddo 18 sano ahayd oo aan xildhibaan ahaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad.

Nuur Cali Faarax

Kalfadhi-Muqdisho

Warar kale oo la xiriira