Baarlamaanka Warar 

BAARLAMAANKA IYO XUKUMADDA SOMALILAND OO KA WADA SHAQEYNAYA DHAMEYSTIRKA MIISAANIYADDA SOMALILAND EE 2019

Guddiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Golaha Wakiillada Somaliland ayaa bilaabay inuu kala qeyb-galo Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda Somaliland sameynta miisaaniyadda Somaliland ee 2019-ka.

Guddoomiyaha Guddigaas xildhibaan Cumar Sanweyne, ayaa u sheegay suxufiyiinta in shaqada sameynta miisaaniyadda Somaliland, oo ay horay u billowday wasaaradda hormarinta maaliyadda Somaliland, ay inta dhiman dhammeystirkeeda ka wada shaqeynayaan.

“Sanadku intaanu dhamaan, waxaanu fileynaa inaanu soo saarno miisaaniyaddii oo dhameystiran, Baarlamaankuna saxiixo ” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Somaliland, Xildhibaan Sanweyne. Arrintan ayaa timid kaddib markii uu guddigu u yeeray wasiirka wasaaraddaas, Yuusuf Maxamad Cabdi, oo sida uu sheegay guddigu ay weydiiyeen su’aalo la xiriira curinta miisaaniyadda sanadka soo socda ee Somaliland.

Wasiirka Hormarinta Maaliyaddu waxa uu u sheegay Warfidiyeennada in ay miisaaniyaddaas muddo 2 toddobaad ah ku hor keeni doonaan Baarlamaanka Somaliland. ” Diyaarintii siyaasadda miisaaniyadda qaranka, oo aan 90% dhameystirnay, laba wiik gudahood ayaan Guddi Hoosaadka kula wadaagi doonaa, iyaguna waa falanqeyn doonaan, kadibna siyaasad guud oo sax ayaanu geyn doonaa goloyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka” ayuu yiri Mudane Yuusuf.

Wasaaradda ayaa, si ay miisaaniyaddoodu u waafaqdo qarashka ay Somaliland geli doonto 2019, waxay ugu baaqday caanshuur bixiyayaasha Somaliland iney bixiyaan caanshuurta ku waajibtay.

Warar kale oo la xiriira