Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye Mursal: Askartu Waa In Ay Dhawraan Xasaanadda Xildhibaannada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ka hadlayay kulanka 14-aad ee kalfadhiga afaraad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in askarta taagan jidadka caasimadda loo baahanyahay in ay ilaaliyaan xasaanadda xildhibaannada “ Waxaan u baahannahay ciidama amniga eewaddooyinka jooga iney ilaa liyaan xasaanadda xildhibaannada. Dhammaan taliyaashu waa iney askarta ku wacyi geliyaan arrinkaa ”

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa amray in la baaro is hortaag maanta lagu sameeyay qaar ka mid ah xildhibaannada, xilli ay doonayeen in ay yimaadaan xarunta Golaha “  Labada guddi ee amniga iyo difaaca waxaan farayaa iney baaritaan ku sameeyaan cidii ka danbaysay hor istaagga xildhibaannada maanta qaar kood lagu sameeyay ”

Jidadka Muqdisho ayaa badankood saaka xiran, waxaana ujeedka loo xiray uu yahay imaanshaha wafdi ka kala socda dalalka Ethiopia iyo Eretria.

Warar kale oo la xiriira