Baarlamaanka Warar 

Taariikhda Xildhibaan Swaqar Ibrahim Cabdalla

Swaqar Ibraahim Cabdalla waa xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadku markuu ahaa 1976-dii. Deegaan-doorashada xildhibaanka oo ku cusub Baarlamaanka waa Jubbaland. Swaqar waxa uu sidoo kale yahay wasiir ku-xigeenka  wasaaradda  shaqada  iyo arrimaha  Bulshadda xukuumadda Soomaaliya.

Waxbarashada

Dugsiga hoose iyo dhexe waxa uu xildhibaanka ku qaatay dugsiga Calanley ee magaalada Kismaayo,  waxaana burburka dalka uu dhacay isaga oo maraya fasalka 1-aad ee dugsiga sare.

Wixii intaa ka danbeeyay waxa uu xildhibaanka tagay dalka Kenya. Dugsiga sare waxa uu kaga baxay dugsiga Al-nur ee Kenya.

Waxa uu heerka 1-aad ee ku qaatay jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar sanadkii 2006-dii. Taqasuskiisuna waxa uu ahaa sharciga iyo qaanuunka

Xildhibaanka oo sii wata safarkiisa waxbarasho waxa uu shahaadada 2-aad ee Mastarka ka qaatay jaamacadda International Islamic University ee dalka Malaysia sanadkii 2015-kii. Isagoo taqasuskiisu ahaa sharciga caalamiga ah.

Swaqar iyo siyaasadda

Safarkiisa siyaasadda ka hor waxa uu xildhibaan Swaqar ahaa bare machadyo waxbarasho illaa uu bare jaamacadeed ka noqday oo uu wax ka dhigay jaamacadda International Islamic University ee Malaysia.

Waxyaabaha ku qasbay inuu xildhibaan noqdo waxaa kamid ah dadka uu matalo inuu horumar ku hoggaamiyo islamarkaana uu wax badan u qabto.

Waxa uu aaminsan yahay xildhibaanka in xubin kasta oo katirsan baarlamaanka ay saaran tahay mas’uuliyadda ah inuu ka warqabo deegaan-doorashadiisa islamarkaana uu ogaado xaaladda bulshadda ku nool ee uu matalo.

Himillada xildhibaanka ku taagan waxay tahay inuu ka dhiso bulshadiisa dhinac kasta isaga oo mudnaan gaar ah siinaya waxbarashada oo uu aaminsan yahay inay ka muhiimsan tahay waddooyin la dhiso iyo wax lamid ah.

 

Warar kale oo la xiriira