Dowladda Hoose Warar 

K/Galbeed Oo Muujisay Iney Ka Walaacsantahay In Musharrixiin Ay Taageereyso Dowladda Federalka Ay Qalqal Geliyaan Ammaanka Doorashada Madaxweynaha

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay ineysan jirin cid ay u diidan yihiin iney musharrax u noqoto xilka madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, haddii buu yiri ay ka tirsan tahay dadka dega Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed Cabdullaahi Sh. Xasan ayaa u sheegay Kalfadhi ineysan marnaba doorashadu dib uga dhici doonin waqtigii loo qorsheeyey oo ay ka harsan tahay wax ka yar bil.

Cabdullaahi Sh. Xasan waxaa isaga oo u digaya Dowladda Federalka ah uu yiri “ananga waxaan diidannahay wixii qalqal amni keeni kara maahee, haddii ay iyaga oo dhan yimaadaan oo ay musharraxiin soo noqdaan waxba na yeeli meyso”. Hadalkaas waxa uu wasiirku uga jawaabayey su’aal ahayd inuu carrab dhabo cidda ka tirsan Dowladda Federalka ee uu warbaahinta qaar ugu warramay iney wadato maamulka Farmaajo hase ahaatee wuu ka gaabsaday.

Wuxuuse Cabdullaahi Sh. Xasan sheegay iney jiraan siyaasiin xil ka haya Dowladda Federalka ah oo sida uu sheegay, lagu yiri “iska casila xilka, inagaa idinka dhigeyna Madaxweynaha Koofur Galbeed e”, kuwaas oo uu sheegay in ay xor u yihiin iney u tartamaan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, “haddii” buu yiri “ay nidaamka siduu yahay u soo maraan”. ” Baydhabo waxaa joogaa musharraxiin fara badan, oo aysan dowladdu soo dirsan, kuwa ay soo dirsatayna waxaan uga digeynaa iney ammaanka qalqal geliyaan bis” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Sh. Xasan.

Cabdullaahi Sh. Xasan waxa uu u sheegay Kalfadhi in sababta uu ugu celcelinayo ineysan Dowladda Federalku wax u dhimin ammaanka goobta doorashada ay tahay iney Dowladdu ka dejisay Baydhabo lacag fara badan, gaadiid ay ku jiraan kuwa aysan xabbaddu karin, hub iyo ciidan, ” kuwaas oo la geeyey” buu yiri ” magaalada Baydhabo maalin ka hor maalintii uu halkaas gaaray Wasiirkii Biyaha iyo Tamarta Lafta Gareen oo islamarkii uu ka degay Baydhabo ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

 

Warar kale oo la xiriira